Daawo:Xukuumadda oo Qabatay kulan lagu Midaynayo Gurmadka Abaaraha oo Somaliland Saamaysay

0
350

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xukuumadda Somaliland,ayaa qabatay kulan kulmiyay inta badan wasaaradaha iyo hay’addaha Dawladda iyo guddoomiyeyaasha gobolada dalka,kulankaas oo ku qabsoomay qasriga Madaxtooyada Somaliland,ayaa lagu lafo guray sidii loo midayn lahaa gurmadka iyo samato bixinta dadka abaaraha ku tabaaloobay.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlay sidii dib u eegis iyo dib u habaynba loogu samayn lahaa ceelasha biyaha ee dalka kuwa shaqaynaya iyo sidii loo kicin  lahaa kuwa fadhiya,waxaa  kale oo kulanka lagaga hadlay sidii loo badbaadin kahaa xoolaha nool ee ka abaarta ku riiqday ee ka soo hadhay inta lee’atay.

Haddaba halkan ka daawo.