Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan mudaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland isla markaana laga soo doortay gobolka Sool,ayaa tallaabo qarandumisnimo iyo khiyaamo qaran ku eedeeyay guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha Wakiiladda Somaliland,ka dib mar kii uu golaha wakiiladda Somaliland uu maanta ansixiyay wada hadalka Somaliland iyo kooxda Khaatumo u socda.
Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargaysa ayaa guddoomiye ku-xigenka koobaad ee golaha wakiiladda Baashe Maxamed Faarax ku tilmaamay in nin qaran dumis ah oo aanay Somalilandnimadu ka dhab ahayn isla markaana aanay ka dhaadhacsanayn.
Xildhibaan Saleebaan oo Shabakada Xogsoormedia.com wax ka waydiisay waxyaabaha uu ku eedaynayo Guddoomiye Baashe,ayaa yidh. “Baashe isaga ayaa jeebkiisa kala soo baxay wax aan sharci ahayn oo qarandumisnimo ah isla markaana qabyaaladaysan oo caadifadaysan.”
Waxaanu intaa ku daray farriin uu u diray xeer ilaaliyaha guud ee qaranka oo uu sheegay in ay tahay in ay wax ka qabtaan faldambiyeed qarandumisnimo ah oo uu ku eedeeyay in uu ku kacay Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Golaha wakiiladdu,waxaanu yidhi. “waxan uu ku kacay waa qarandumisnimo tii ugu waynayn in la yidhaahdo waxaa cod loo qaadayaa nin sheeganaya dawlad oo Somaliland gudaheeda ku sugan in la yidhaahdo wada hadal lagula jiro cod haloo qaado waa dambi qaran oo dalka iyo dadka iyo dastuurkaba laga galay waxaanan ugu baaqayaa Xeer Ilaaliyaha guud ee qaranku in uu tallaabo ka qaado oo uu dambiga qarandumisnimada ah ee uu ku kacay uu ku soo oogo.”
Waxaanu intaa raaciyay isagoo hadalkiisa sii wata. “waxaa uu golaha la yimi maaha wax aanu ognahay ama wax ka jira gobolka Sool iyo wax aanu la ognahay toona waana wax xaraan ah oo sharci darro ah.”
Haddaba halkan ka daawo Shirka jaraa’id ee uu maanta qabtay Xildhibaan Saleebaan Cali Koore.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
Hargeisa Somaliland