Hargaysa (Xogsoormedia.com):-Madaxda iyo Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE ee Waqooyiga America ayaa beeniyay warar sheegayay in ay is casileen masuuliyiin ah oo ka tirsanaa xisbiga KULMIYE laamihiisa waqooyiga America.
Waxaa kale oo ay waxba kama jiraan ku tilmaameen warar sheegayay in xafiisyda xisbi xaakimka Somaliland ee KULMIYE uu ku leeyahay America in ay xidhmeen.
Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha xisbiga KULMIYE waqooyiga America oo uu ku beeninayay warar maalmihii ugu dambeeyay laga qorayay madaxda KULMIYE ee America oo sheegayay in ay xUbno iska caslieen iyo in ay xidhmeeen xafiisyo uu Xisbigu ku lahaa Waqooyiga America oo nuqul ka mid ahi u soo gaadhay Xafiiska Xogsoormedia.com,ayaa u dhignaa sidan.
‘Maanta(shalay) oo ay taariikhdu tahay March 17, 2017, waxa shir isugu yimi madaxda Xisbiga KULMIYE ee Maraykanka kulankan oo ka qabsoomay magaalada Minneapolis. Waxaa Shirku ku saabsanaa sidii wax looga qaban lahaa arrin soo noqnoqtay. Waxa maalmihii ugu dambeeyay kusoo baxayay website yada qaarkood, qoraalo been abuur ah oo uu soo qoray inan aan Xisbiga Kulmiye xil ka hayn oo magaciisa la yidhaah Farxaan Axmed Maxamed isaga oo sheeganaya in uu iska casilay afhayeenka North America. Waxanu halkan ka caddaynaynaa in inankaasi wax xil ah oo haba yaratee Xisbiga KULMIYE uu u hayey in aanu jirin, xilkaa uu sheeganayona uu xisbiga u hayo Khadar Guun Jaamac oo deggan Toronto Canada, illaa hadana uu masuul kani howlihii uu xisbiga u hayay si hagar la, aana uu u gudanayo.
Sidoo kale waxa uu inankaasi isticmaalay sawiro iyo magacyo dad kale ay leeyihiin oo aan xisbiga ku jirin. Markii aan dadkaa uu magacyadooda iyo sawiradooda uu isticmaalay aanu qaar ka mid ah la hadalnay waxay noo xaaqiijiyeen in aanay arrintan waxba ka ogayn, taasoo runtii dalka Maraykanka dambi wayn ka ah. Hadaba markii aanu ogaanay in dadkaa laga been abuuray iyo inankan oo dhowr jeer arrintan website yada soo geliyay. Waxa masuuliyiinta Xisbiga ee Maraykanku sameeyeen baadhitaan ay ugu kuur gelayaan cidda arintan ka dambaysa. Waxaanu maanta shirkan isugu nimi in aanu taageerayaasha xisbiga KULMIYE gaar ahaan Maraykanka u xaqiijino in ay inankan yar arrintu ka wayntahay oo ay ka dambeeyaan cid dano gaara ka leh kana xun guulaha xisbigu uu gaadhay dalka gudihiisa iyo dibaddiisaba, kana soo horjeedda siyaasada xisbiga KULMIYE Madaama Xisbigu uu yahay xisbul xaakimka, oo dadka iyo dalka masuuliyad naga saraantahay, waxaanu isla qaadanay in aanu uga digno falalkan foosha xun ee ay kula kacayaan xisbiga iyo masuuliyiintiisa North America iyo kuwa Americaba .
Waxaanu sidoo kale halkan ka caddaynaynaa in aanay waxba ka jirin eedaymihii uu usoo jeediyey Gudoomiye Mustafa Abdi Cartan guddoomiyaha North America iyo Guddoomiye Cali Salaad Cali Guddoomiyaha Minnesota.
Gebogabo. Xisbiga KULMIYE wuxuu leeyahay shuruuc iyo nidaam kala haga dhexdooda, sidoo kale wuxuu xisbigu leeyahay masuuliyiin heer qaradeed heer dal iyo heer gobol, oo lagu doorto si sharciga waafaqsan, sidaa darteed waxaanu uga digaynaa cidkasta oo faragin Xisbiga ku haysa in ay ka waan tooban kuna qancaan siyaasada xisbigooda, sidoo kale waxaanu admin ka website yada ka codsanaynaa inay iska hubsadaan wararka ay bulshada la wad aagayaan,
Masuuliyiinta Xilalka u haya Xisbiga Kulmiye Dalka America waa kuwan hoos ku qoran,
Ahmed Abdi Jama Gudoomiyeha USA
Abdisalaan Baruud Jama G/Kuxigeenka
Mustafa Daanshood Afhayeenka USA
Amal Abdi Hassan Gudoomiyaha G/haweenka USA
Mustafa Awil Siciid xidhiidhiyaha USA
Guurtida USA
Aniis Cabdillahi Ciise Gudoomiye
Cisman Xaaji Maxamoud G/kuxigeen
Laamaha USA
Cali Salaad Dhamac, G Minnesota
Nura Ahmed Waris G, Virginia W, DC
Guleed Adan Karkaar G Ohio
Ali Tahar G- Atlanta
Ali Jamac Hinber G-Tennessee
Saleeban Ducaale Diriye G-Seatle Washington
Xubnaha Shirkan isugu yimi
Ahmed Abdi Jama Gudoomiye USA
Mustafa Daanshood AFhayeenka USA
Mustafa Awil Siciid xidhiidhiyaha USA
Cali Salaad dhamac Gudoomiyaha Minnesota
Waxaanu qaranka Somaliland iyo Xisbiga Kulmiyeba u rejaynaynaa guul iyo gobonimo
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland