Hadday Run tahay inay Maraykanku Dayaxa Tageen May Mar Labaad Ku Noqdaan (Xogta dahsoon)

0
404

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-  Dalka Maraykanka,ayaa hal mar dayaxa ku dul dejiyay Dayax gacmeedkii Apolo, dibna aan ugu noqon socdaal dambe oo dayaxa dushiisa ay ku tegayaan.

Haddaba waxay is waydiintu tahay Maraykanku haddii uu Dayaxa dushiisa ku degay muddo hadda laga  joogo nus qarni iyo dheeraad maxay mar labaad ugu noqon waayeen ee ay ugu degi waayeen xilligan oo aqoonta Tiknoolajigu ay ka sii horumartay sidii ay ahayd xilligii ay sheegeen in ay Dayaxa ku dul dageen,ma baahidii loo qabay in Dayaxa la tago ayaa noqotay wax laga maarmay oo aan aad la isugu hawlayn.

Mise socdaalkoodii hore ee ay ku sheegteen n ay Dayaxa ku dul dageen ayaa ahayd wax aan jirin iyo muuqaallo mala awaal ah oo ay sameeyeen shirkado iyo kooxo loo xil saaray in ay been run u eg sameeyaan oo ay kula tartamaan ciddii ay isku hayeen isu awood sheegashada dhanka cilmiga Tiknoolajiga iyo awoodda Millatari.?

Su’aalahaas oo dhan waxaad jawaabtooda ka heli doontaa barnaamijka Xogta Dahsoon oo soo saare ka yahay Xuseen Kurdi ee daawasho wacan.

Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland