Dowladda Soomaaliya oo Isbahaysiga Sucuudigu Hoggaaminayo ku Eedaysay Xasuuqii Lagu Laayay Soomaali Ku Safrayay Doonni Badda Yemen

0
395

Muqdisho (Xogsoormedia.com):-Dawladda Federaalka Soomaaliya,ayaa si adag ga hadashay dad Qaxooti Soomaali ah oo lagu xasuuqay biyaha Badda dalka Yemen  ka dib markii doonni ay ku safrayeen lagu dhuftay gantaal laga soo riday sida wararku sheegeen diyaarad nooca qumaatiga  u kaca ah.

Waxaanay dawladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay xasuuqa dadka Soomaalida ah in ay geysteen  isbahaysiga xuluufada  ah ee uu Sucuudigu hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ay ku dagaalamayaan.

30  Soomaali Tahriibeyaal Ah Ku Dhintay Gantaal Lagu Duqeeyay Doonni ay Ku Safrayeen Dalka Yemen

 “Isbaheysiga  Sacuudigu hoggaamiyo iyo Dowladda Yemen ee QM ay aqoonsantahay, ayaa qaadaya masuuliyaya weerarka, sidaasi waxaa yiri Siihayaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Hadliye Cumar.

“Waxaan ka Xunnahay Xasuuqa Foosha Xun ee lagula kacay Muwaadiniinta Soomaalida ah ee ku Safrayay Doonta, kuwaasoo ahaa Qaxooti muddo ku noolaa Yemen, balse hadda doonayay in ay nolol u raadsadaan meelo kale, wax la aqbali karo maaha, waxaana masuul ka ah Xulufadda Isbaheysiga la dagaalamaya Xuutiyiinta Yemen”ayuu yidhi Wasiir Haddliye.

Sacuudiga iyo Mareykanka ayaa sheegay in aanay  jirin wax duqeyn ah oo ay ka geysteen Xeebaha Yemen.

Doonnida gantaalka lagu dhuftay ee lagu xasuuqay dadka Soomaalida ah ayay ku dhinteen ugu yaraan 42 qof halka ay ku dhaawacmeen inta la xaqiijiyay tiro ka  badan 80 ruux oo hadda ay gacanta ku hayaan kooxaha xuutiyiinta ee dagaalka kula jira Isbahaysiga uu Sucuudigu hoggaaminayo.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Hargeisa Somaliland