Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Ugu yaraan 30 qof oo qaxooti Soomaali ah ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu dilay xeebaha dalka Yemen ka dib markii uu gantaal ku habsaday doontii ay ku safrayeen.
Ilo wareedyo dhanka caafimaadka ah oo ku sugan dekedda jabhaduhu maamulaan ee Hodeidah ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jiraan haween iyo dhallaan, dad kale oo badan oo dhaawac ahna loo wareejiyay Cisbitaallada magaalada.
Ilaalada xeebaha ayaa saxafiyiinta u sheegay in qaxootigan oo wata warqado aqoonsi oo rasmi ah oo ay bixisay hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ay u sii socdeen Suudaan marka ay weerartay diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ah.
Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa waxay muujinayaan maydad daadsan doonta dusheeda. Ku dhawaad 80 qof oo badbaaday ayaa waxa loo qaaday cisbitaalada sida ay sheegtay hay’adda caalamiga ah ee socdaalka ee IOM.
Dekadda waxa gacanta ku haya fallaagada Xuutiyiinta, ee dagaalka labada sano socda kula jirta isbahaysiga uu hoggaaminayo Sacuudiga.
Isbahaysiga ayaa gacanta ku haya maamulka hawada dalka Yemen.
Wakaalada wararka ee Yemen ee Saba oo ay gacanta ku hayaaan fallaagadu ayaa sheegtay in qaxootiga laga soo weeraray cirka, weerarka noocaasna ay geysan karaan isbahaysiga oo kali ah.
Sidoo kale mid ka mid ilaalada badda oo la yidhaahdo Maxamed Alay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters waxa uu u sheegay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca oo ay qoryo ku rakiban yihiin in ay weerarka geysatay.
Balse sarkaal ka shaqeeya dekada ayaa wakaalada wararka ee AFP waxa uu u sheegay in doonida ay soo xidhatay, dadkii dhintay iyo kuwii dhaawacmayna lagu garaacay hub fudud.
Waa weerarkii ugu waynaa ee tahriibeyaal Soomaali ah lagu waxyeeleeyo ee ay ku dhintaan dad inta la ogyahay tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka ka socda dalka Yemen.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland