Muqdisho(Xogsoormedia.com): – Dawladda Federaalka Soomaaliya,ayaa maanta xarunta dalkeeda ee Muqdisho ka mustaafurisay laba nin oo u dhashay dalka Kenya oo ay sheegtay in ay Soomaaliya sharci darro ku soo galeen isla markaana sharci la,aan ku joogeen.
Dowladda Soomaaliya, gaar ahaa hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa maanta dalka ka musaafurisay labada nin ee Kenyanka ah oo lagu eedeeyay in ay sharci darro dalka ku joogeen.
Labadan nin ee la masaafuriyay ayaa waxaa gacanta ku dhigay saraakiil ka tirsan hay’adda socdaalka qeybteeda dabagalka, waxaana maanta dib loogu celiyay dalka Kenya.
Muwaadiniinta Kenyaanka ah ee la mustaafuriyay ayaa sidoo kale laga mamnuucay in ay dalka dib ugu soo laabtaan, waxaanay ku wargelisay hey’adaha kala duwan inay ka feegijnaadaan.
Muwaadiniin badan oo Kenyan ah ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasoo la shaqeeya hay’addo kala duwan oo badankoodu ka howlgala garoonka diyaaradaha iyo xerada Xalane.
Dalka Kenya ayay Soomaaliya ka joogaan ka sakaw dadka rayidka ah ee Hay’addaha iyo shirkadaha la shaqeeya ciidammo ka hawl gala dalka Soomaaliya oo ka mid ah Ciidanka nabad Illaalinta ee AMISOM oo dawladda Soomaaliya gacan ka siiya ammaanka iyo la dagaalanka kooxaha dagaalka kula jira.
Ugu danbeyn, hay’adda socdaalka ayaa xoojisay howl galkeeda daba galka ee la xidhiidha dadka ajaanibka ah ee Soomaaliya ku sugan ee sharci darrada ku jooga iyo kuwa sharciga haysta si loo ogaado dadka ajaanibka ah ee sharciga haysta iyo kuwa bilaa sharciga ah
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland