Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka hadlay muddaharad ay dhigeen shaqalaaha dekeda Berbera,xeerka baananka ganacsiga iyo marti qaad uu ka helay dalka Ingiriiska iyo xaaladda abaarta ka jirta Somaliland.
Waxaanu Xukuumadda ku dhaliilay in ay ka gaabisay gurmadka iyo samato bixinta dadka abaaraha ku tabaaloobay isagoo intaa ku daray in ay kau hawlan tahay oo keliya in ay u jawaabto Xisbiga uu musharaxa ka yahay ee WADDANI.
Musharax Cabdiraxmaan Ciro oo ugu horrayn ka hadlaya martiqaadka uu ka helay guriga lagu falanqeeyo arimaha siyaasada caalamka ee Chatham House oo ku yaala dalka Ingiriiska ayaa waxa uu yidhi“Waxaan marti qaad rasmi ah ka helay guriga arimaha siyaasada lagu falan qeeyo ee la yidhaa Chatham House ee ku yaala magaalada London kaas oo inta badan lagu martiqaado siyaasiyiinta iyo madaxda dawladaha, arinta aan ka hadli doono ee ugu muhiimsani waa
Somaliland iyo geedi socodka dimuqraadiiyada gaar ahaan arimaha doorashooyinka iyo abaaraha.”ayuu yidhi Gudoomiye Cirro oo u waramay telefishanka HCTV.
Gudoomiye Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa ka hadlay danta ugu jirta martiqaadka uu ka helay guriga Chatham House waxaanu yidhi “Waxay ila tahay Aniga wax shakhsiya oo weyn inaanay iii noqon laakiin magaca somaliland ayaan ku socdaa oo aan ku matalayaa, markaa waxaan is leeyahay somaliland magac ayey u tahay in mid ka mid ah caruurteedu uu ka qayb galo doodaha halkaas lagu qabto, waxa lagaga hadlayaana ay tahay somaliland iyo iibinteeda iyo qadiyadeeda iyo taariikhdeeda, markaa dad badan oo aan hore u maqlin somaliland ayaa maqli doona.”
Sidoo kale Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa sheegay in xeerka baananka ganacsiga ee horyaala golaha wakiilada somaliland ay xukuumadu horkeentay, waxaanu sheegay inaanay marna ansixin doonin xeer ka hor imanaya diinta islaamka waxanu yidhi “Xeerkaas wakhtigii madaxweyne Rayaale ayaa la keenay golaha wakiilada mudo ku dhaw toban sano ayuu yaalay, mar walbana waxa la doonayey in la waafajiyo shareecada iyo dastuurka, shacabka somaliland-na waxaan u sheegayaa golaha wakiiladu inaanu hore u ansixin maantana ansixin doonin wax shareecada islaamka ka soo horjeeda laakiin waxa loo baahan yahay haddii wax ku jiraan in meesha laga saaro, xeerkana xukuumada ayaa keentay haddii ay la noqonayso oo golaha laga dul qaadayana halaga dul qaado.”
Dhinaca kale Gudoomiye Cirro ayaa ka hadlay mudaharaadkii ay sameeyeen shaqaalaha dekeda Berbera, isaga oo xukuumadana dusha ka saaray sababta keentay mudaharaadka waxaanu yidhi “Maadaama ay xukuumada wareejinayso ama wareejisayba anagu war sugan kama haynee Dekedii waxa laga rabay in muwaadiniinta somaliland ay helaan wixii ay xuquuq u lahaayeen, shaqada in nidaam loo sameeyo ayey ahayd, wixii gaf ah ee lagu sameeyo shaqaalaha xilku wuxuu saaran yahay inay xukuumadu hagaajiso, haddii ay hawsheedii gabto waxa laga yaabaa in halkaas muran iyo dagaal ka yimaado.”
Ugu dambayn Gudoomiye Cirro ayaa sheegay in xukuumadu ku fashilantay wax ka qabashada sicir bararka, kana gaabisay gurmadka abaaraha waxaanu mar kale yidhi “Xukuumadu ayuu maanta xilku saaran yahay, gurmadkeeda iyo dhawaaqeeduna wuu yar yahay waxaanay ku mashquushay in Waddani loo jawaabo laakiin waa inay xukuumadu xilkeeda gudato, arinta sicir bararkana xukuumadu xalkii ay tidhi waan sameeyey muu shaqaynin, todoba kun ayey ku jartay sicirka, warbaahintana habeen dhawayd ayaan ka maqlayey hooyooyin aad u cabanaya oo leh sagaal kun iyo toban kun ayuu marayaa halkii todobada kun laga eegayey markaa wuu fashilmay xalkii ay xukuumadu waday markaa xal lagu xakameeyo sicir bararka xukuumadu hala timaado.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland