Berbera(Xogsoormedia.com):- Shirkadda Dahabshiilgroup,ayaa lacag dhan 30,000 kun oo Dollar ah ugu deeqday dhismaha Maktabada magaalada Berbera.
Munaasibad kooban oo masuuliyiinta shirkadda Dahabshiil Group ay ku wareejinayeen lacagta ay aga qayb qaadanayeen dhismaha Maktabada magaalada Berbera,ayaa waxaa ka hadlay Maayarka magaalada Berbera ahna guddoomiyaha golaha deegaanka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamuud Ciddin
Waxaanu Maayerku sheegay in shirkadda Dahabshiil Group deeqda ay maanta soo gaadhsiisay dhismaha Maktabada Berbera in aanay ahayn deeqdii ugu horraysay ee Shirkadda Dahabshiil Group laakiin waxaa uu intaa ku daray in Dahabshiil Group ay wax badan kala shaqaysay isla markaana ay gacan ka geysatay.
Waxaanu Maayerku ku bogaadiyay shirkadda Dahabshiil Group sida wanaagsan ee ay uga qayb qaadato horumarinta arrimaha bulshada.
Haddaba Halkan ka daawo muuqaalka shirkadda Dahabshiil Group ay ku wareejiysay lacagta 30 kun ee Dollar ah ee ay ugu deeqday Maktabada Berbera ee gobolka Saaxil oo dhismaheedu socdo.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland