“Somaliland Laba Abaaroodbaa ka Jira Mid ALLE ayaynu ka Baryaynaa in uu Innaga Soo Jebiyo Midna Waa KULMIYE oo Cod ayaynu ku Beddelaynaa.” Prof: Siyaasi Ismaaciil Buubaa

0
360

Boorama(Xogsoormedia.com):- Prof: Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa ,ayaa bulshda reer Somaliland kula dardaarmay in is bedela dalka u baahan yahay ee ay doonayaan in uu codkooda ku yimaado oo ay KULMIYE ku diraan codkooda haddii ay xaqiiq ka tahay oo ay isbedel run ah doonayaan.

Waxaa kale oo uu intaa ku daray in dalka laba abaarood ka jiraan isla markaana abaarta roob la,aanta ah loo baahan yahay in taqwo lala yimaado oo alle la baryo in uu raxmaad khayr qaba  daka u shubo.

Abaarta labaad ayuu ku sheegay in ay KULMIYE tahay oo loo baahan yahay in cod lagu bedelo taasoo uu tilmaamay in aanay si kale oo aan ahayn in dadku codkooda ku bedelaan in aanay ku tegayn.

Prof: Buubaa oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga WADDANI oo maanta ka qayb galay xaflad Xisbiga WADDANI uu maanta Boorama ku qabtay oo uu ku soo dhawaynayay Xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka  degmada Boorama oo KULMIYE ka soo baxay iyo  hoggaankii garabka dhallinyarada iyo haweenka heer gobol  iyo degmo .ee  Xisbiga UCID oo iyaguna  ku soo biiray Xisbiga WADDANI.

Waxaa kale oo uu kula dardaarmay masuuliyiinta iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI in ay ka fogaadaan hadal kasta oo xanaf keeni kara oo dadka qaybo ka mid ahi ay dhibsan karaan taasoo uu iftiimiyay in aanay ahayn dhaqanka WADDANI.

Hadaba halkan ka daawo.

Xogsoormedi.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland