Boorama(Xogsoormedia.com):- Xisbiga Mucaardka ah ee WADDANI,ayaa munaasibad si wayn loosoo agaasinay oo lagu qabtay Hotel Rays ee Magaalada Boorama waxay ku soo dhaweeyeen sadex mudane oo ka tirsan Xildibaanada golaha deegaanka degmada Boorama ,Madaxii dhallinyarada heer gobo lee Xisbiga UCID,masuuliyiin aqoonyahan haween iyo taageeralaay kale oo tiro badan oo ku soo biiray dhammaanood Xisbiga WADDANI.
Munaasibadda oo ahayd mid aad loosoo agaasimay oo aanay ka qayb galkeeda u kala hadhin hoggaanka Xisbiga WADDANI ,waxaana munaasibadda qudbado ka jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI ahna Murashaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro murashaxa jagada Madaxweyne ku-xigeenka Isibiga WADDANI amp Maxamed Cali Cabdi,Prof:Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa, Xildhibaan Cali Sheekh Ibraahin Aareeye,salaadiin cuqaal madaxda heer gobol iyo degmo ee Xisbiga WADDANI.
Waxaa kale oo munaasiabadda ka hadlay masuuliyiinta xisbiga ku soo biiray ee xafladda loo sameeyay ee ka soo kala diga rogtay Xisbiyada KULMIYE iyo UCID oo aad u faah faahiyay sababaha ay uga soo bexeen xisbiyadii ay ka tirsanaayeen iyo waxyaabaha ay WADDANI ku doorteen.
Xogsoormedi.com
Hargeisa Somaliland