Dawlad Dalka Ay Deriska Yihiin Ciidamadiisa u Ballan Qaaday Lacag Badan Haddii ay Hub La Soo Goostaan Xog Basaasnimada waddankooda ka keenaan

0
339

Kooxo wax tahriibiya oo labada dal ka dhex shaqaysta kana hela lacag xad’dhaaf ah

Hargesa(Xogsoormedia.com):- dawlad ka mid ah dalalka adduunka ayaa qaaday tallaabo inta badan ay dawladaha caalamku marka ay ku dhaqaaqayaan ay ka ilaaliyaan in ay faafiyaan ama ay warbaahinta u adeegsadaan taasoo ah in dawladaha ay deriska yihiin kuwa ay colka yihiin in ay si hoose ula faqaan ciidanka dalkaa kale uu leeyahay oo ay dhaqaale maaliyadeed u sheegaan in ay siinayaan  ciidamada ka soo goosta dalka ay cadawga yihiin ee ay jaarkana yihiin

Laakiin dalka Koonfurta Kuuriya ayaa warbaahinta ka sheegtay in ay lacag aad u tiro badan siinayso ciidamada waqooyiga Kuuriya haddii ay dalkooda ka soo gostaan isla markaana ay la soo tallaabaan hub iyo saanad millatari

index

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ayaa mar kale ku dhawaaqday in ay  kordhisay lacagaha abaalmarinta ah ee ay siiso dadka ka soo goosta woqooyiga kuuriya isla markaana u soo gudbiyo xog muhiim ah.

Shakhsiyaadka ka soo goostanaya woqooyiga ayaa la siinayaa lacag gaareysa 860,000 oo doolar, waa haddii ay koonfurta u soo gudbiyaan macluumaad ka caawin karo arrimaheeda ammaanka.

Waxaase aad u adag in qofku uu ka soo baxsado woqooyiga oo uu Koonfurta yimaado maadaama ay tahay in la macaamilo kooxaha dadka tahriibiya oo qaadanayo kharash aad u badan.

Lacago kale oo dheeraad ah ayaa loo ballan qaaday askarta woqooyiga ee la soo goosata hubkooda.

Wasaaradda mideynta ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in lacago badan la siinayo shakhsiyaadka la soo goosta hubka noocyadiisa kala duwan.

Wakaaladda wararka ee Kuuriyada koonfureed ayaa sheegtay in lacagta la siinayo qofka soo goostay ay ku xirantahay waxa uu la yimid sida macluumaad iyo hub.

Waa markii ugu horreysay oo lacagahani abaalmarinta ah la kordhiyo muddo 20 sano ah.

Muwaadiniinta woqooyiga ee doonaya in ay isu dhiibaan koonfurta ayay tahay in ay u tallaabaan dhanka Shiinaha, halkaa oo haddii la qabto lagu celinayo dalkooda.

Qofkii laga soo qabta dhanka Shiinaha ee looga shakiyo in uu yahay baxsad ayaa loo gacan geliyaa dowladda Kuuriyada Woqooyi, waxa uuna muteysanayaa xabsi.

Dadka baxsadka ah ay intooda badan lacago siiyaan kooxaaha dadka tahriibiya oo ka caawiya sidii ay ku gaari lahaayeen koonfurta.

Kooxaha dadka tahriibiya ayaa waxa ay lacago xad dhaaf ah weydiistaan shakhsiyaadka doonaya in ay u baxsadaan dhanka koonfurta.

.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

 abafgaab@hotmail.com

Hargeysa Somaliland