London(Xogsoormedia.com):- Wararkii Xukuumadda Somaliland ay ka faafisay muddaharaadka London oo beenoobay iyo jaaliyadda reer Somaliland ee Ingiriiska oo aan u kala hadhin muddahaad ay kaga soo hor jeedaan saldhigga Millarai ee Xukuumadda Somaliland ay ku siinayso dalka Imaaraadka Carabta.
Xukuumadda Somaliland ayaa hore u sheegtay in muddaharaad ay waddo dawladda Soomaaliya oo ka dhan ah qarannimada Somaliland in laga abaabulayo dalka Ingiriiska isla markaana ku durtay Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI in uu dawladda Xamar kula socod wax Somalilad lid ku ah,laakin taas ayaa noqotay wax aan jirin oo been abuur ah ka dib markii muddaharaadka ka socda London uu noqday mid u gaar ah jaaliyadda reer Somaliland ee Ingiriiska deggan oo dareenkooda ku muujinayay ay kaga soo hor jeedaan saldhigga Millatari ee Berbera laga siinayo saldhigga Millatari ee Imaaraadka Carabta.
Haddaba halkan hoose ka daawo muddahaardka jaaliyadda reer Somaliland ee Ingiriisku ay ka dhigeen London