Sool:Qasaaraha Dhimasho iyo Dhaawac ee ay Sababtay Israsaasayn Goordhawayd Ciidanka Qaranka iyo koxo dablay ah Dhex Martay

0
420

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Israsaasayn dhex martay ciidanka qaranka jiidda hore ee gobolka Sool iyo maleeshiyo hubaysan ayaa sababtay qasaare dhimasho iyo dhaawac  ka dib markii ciidanka qaranka ee aagga Kalabaydh iyo maleeshiyo hubaysan ay halkaa ku dhex martay israsaasayn goor dhawayd oo alabta ah.

Israsaasaynta ayaa ka dhalatay markii sida wararku ay sheegayaan ciidanka qaranku uu faray in ay hubka iska dhigaan kooxo hubaysan oo ay uga  shakiyeen in ay isu abaabulayaan dib u soo celinta dirirtii dhawaan labada beelood ee walaalaha ah ku dhex martay gobolka Sool oo muddo badan nabadayntooda lagu gudo jiray,laakiin koxihii hubaysnaa ayaa la sheegay in ay ciidanka qaranka ugu jawaabeen rasaas isla markaana ay geysteen qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo gaadhay ciidanka qaranka oo aan wax dagaal ah ku soo talo galin.

images

Intaa ka dibna ciidanka qaanka ayaa la sheegay in ay  rasaas ugu jawaabeen oo kooxdii dablayda ahaydna uu qasaare soo gaadhay inkasta oo aanay wararka hordhaca ahi xaqiijin tirda dhimasho iyo dhaawac ee halkaa ka dhacday ee soo kala gaadhay ciidanka qaranka iyo kooxdii dablayda ahayd.

Waxay wararku intaa ku darayaan in ammaanka deegaanka kala baydh in u ciidanka qaranku la wareegay oo ay nabad ku soo dabbaaleen isla markaana  ku soo rogeen bandoo ah in aan cidinka ka bixi karin cidina soo geli karin caawa.

 

Waxii warar ah  ee ka soo kordha kala soco shabakada Xogsoormedia.com