Hargeysa(Xogsoormedia.com):- ALLE ha u naxariistee waxaa goor dhawayd ku geeriyooday Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa Marxuum Fannaan Maxamed Faarax Xirsi oo ka mid ahaa rukumada fanka Somaliland horena uga soo mid ahaa fannaaniintii waawaynaa ee dalkii la isku odhan jiray Soomaaliwayn.
Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Faarax Xirsi wuxuu ka mid ahaa haldoorkii fanka Somaliland ee ka soo qayb qaatay nabadayntii beelaha Somaliland iyo dib u dhiskii dalka,waxaanu kaalin wax ku ool ah ka soo qaatay sidii Somaliland beeleheeda loo nadabayn lahaa isla markaana dib dalkani ugu dhismi lahaa.
Xilliyadii hore ee aanu bur burin dalkii la isku odhan jiray Soomaaliwayn waxaa uu ka soo mid noqday kooxihii Waaberi iyo Danan oo uu ka ahaa fannaan ka dhex muuqda ooh awl kar ah waxaanu ahaa heesaa,hal-abuur iyo laxamayste hodan ku ah curinta laxamada oo rabbi hibo u siiyay.
Markii Somaliland dib ula soo noqotay Xorriyadeeda waxaa uu u hawl galay sidii fanka Somaliland uga qayb qaadan lahaa dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka illaa uu ka xijaabtay isgoo dan guud u taagan.
ALLE ha u naxariistee Marxuum Fannaan Maxamed Faarax Xisri waxaa uu ifka kaga tegay xaas iyo shan carruur ah oo kala ah laba wiil iyo sadex Hablood.
ALLE ha u naxariisto Marxuum Fannaan Maxamed Faarax Xisri