Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Xukuumadda Somaliland,ayaa dalka ka mustaafurisay laba qof oo ajaanib ah oo gef ka galay diinta Islaamka una shaqaynayay Hay’adda DRC.
Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Maxamed Ibraahin Aadan Qabyo Tire oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa maanta ayaa caddeeyay in nin iyo gabadh ka hawl gelayay Hay’adda DRC in ay gef kula kaceen diinta Islaamka oo ay hadalo qalad ah ka galeen diinta ka dibna la mustaafuriyay.
labada qof ayuu wasiir qabyo tire sheegay in gabadhu ay handadaad kula kacday dirawalkii gaadhiga u waday xilli uu tukanayay salaaddii Duhur iyadoo xilligaa ka soo degtay Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa halka ninkuna xilli uu eedaan baxayay oo la addimay uu hadalo gef ah ku tiraabay isla markana labada qofba ay ku caddaatay in ay falalkaa kula kaceen diinta suuban ee islaamka isla markaana ay Hay’adda DRC xukuumaddu ku war galsay in aan labad qof dalka Somaliland ka shaqayn karin sidaana shaqadi lagaga joojiyay lana mustaafuriyay.
Haddaba halkan ka daawo warka Wasiirka qorshaynta Qaranka oo dhamaystiran