Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland oo Dhigeeda Soomaaliya uga Digtay Hadalada Been-abuurka ah

0
402

Hargaysa (Xogsoormedia.com):- Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland,ayaa uga digtay dhigeeda Soomaaliya in ay ka waantawdo hadalada been abuurka ah ee aan jirin ee ay mar kasta kaga hadasho hawada Somaliland iyo Soomaaliya oo ay hadda gacanta ku hayso Hay’adda ICAO

War-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland Ismaacil Cali Axmed waxaa kale o uu kaga hadlay in aanay waxba ka jirin war  been ah oo ay  ku sheegtay wasaaradda  duulista Soomaaliya in ay qaadatay 50 arday oo ay tababar u dirtay si ay u noqdaan hawlwadeenada hawada Somaliland iyo Soomaaliya taasoo uu afhayeenku caddeeyay in ay been abuur tahay cidda ardayda tababaraysay ee qaadatayna ay tahay Hay’adda ICAO.

pppp

Warsaxaafadeedka uu soo saaray afhayenku oo dhamaystiran ayaa u dhignaa sidan.

  “Waxaanu halkan si cad uga beeninaynaa war ay faafisay wasaarada duulista iyo gaadiidka cirka ee dalka aanu jaarka nahay ee Somalia oo ay ku sheegtay inay iyadu dirtay ugu yaraan 50 arday oo loo soo tababarayo maamulida iyo hagida diyaaradaha.

Ugu horayn waxaanu umada Somaliland iyo guud ahaan caalamka la wadaagaynaa, in ardaydaas ay qaadayso hayada ICAO isla markaana ay iyadu imtixaan ka qaaday oo ay soo tababarayso, iyada oo ay qayb ka tahay barnaamijka lagu casriyaynayo laguna tayaynayo madaarada Somaliland iyo Somalia ee Hayada ICAO maamusho. Waxaanu sidoo kale halkan ka cadaynaynaa inaanay jirin cid gaar ah oo hawada lagu wareejinayo, iyo cid gaar ah oo hayada ICAO ay si gaar ula shaqaynayso, la soo wareegida hawada iyo maamulideeduba waxay ku xidhnaanaysaa guusha laga gaadho wada hadaladii labada dawladood u socday ee hakaday.

Ugu dambayn waxaanu dawlada Somalia uga digaynaa, ku celcelinta wararka xanafta leh ee aan waxba ku soo kordhinayn,  xaalada hawada labada dawladood oo ku sugan  wakhtigan,  xaalad xasaasi ah oo khatar ugu jirta in gabi ahaanteeda loo gacan galiyo wadamo shisheeye.”x\

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland