Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Haddii muddo badan aanay dadka Soomaalida ahi aanay guud ahaanba arag ama aanay maqal suugaan curate oo gudo iyo dibad isaga dab qaada oo ay ka dhex arki karaan iyadoo ka hadlaysa bulshada qaybaheeda kala duwan iyo danyar u hadalkeeda oo ay malaha ugu dambaysay Silsiladdii Deellay muu dhiman hal-bauurkii Soomaaliyeed manay aamusin abwaanadii iyo suugaanyahanku laakiin waxay aamusnaadaanba hadda ayay faraskoodii soo daayeen oo ay dadka Soomaalida ah ee caalamka ku kala nool oo ay daashadeen dawasahda musalsalka aanay dhaqanka u lahayn iyo filimada shisheeye ee tebayay suugaantoodii iyo abwaanadoodu waxay u hadli waayeen u soo gudbiyeen silsilad maanseed Shiinlay ah .
Silsiladan SHIINLEYDA- oo todobaadkan gudihiisa ka bilaabantay Barta Facebook ayaa ka dhalatay meerisyo kooban uu abwaan Sidiiq Burmad kaga hadlayay shirarka jaraaid ee sida bilaa ujeedada ah maalin walba loo qabto. Waxayse taxane maansooyin silsilad ah isku badashay markii abwaan Xasan Dhuxul Laabsaalax uu kaga jawaabay maansada ugu horaysa maansooyinka halkan aanu kusoo uruurinay. Maansada laabsaalax waxay abuurtay in abwaano badan iyo dhalinyaro jecel in ay wax abuuraanba kasoo jawaabaan. Waxaanay silsilad maanseedkani u muuqataa mid ka ka turjumaysa dareenka bulshada inktastoo aanay jirin ilaa hada aragtiyo aad loogu kala duwanyahay oo abwaanada ay iskaga soo hor-jeedaan hadana waxa muuqata in ay noqon karto silsilad si wayn loogu kala qaybsamo.
Haddaba si ay isugu kaa qabato oo aad u wada fahanto halka ay ka bilaabantay Maansada Shiinleyda ah ee ay abwaanada tirada badani hadda isu hal celiyeen ee gudo iyo dibadba la isugu jilib dhigay aan halkan idiinku soo gudbino meerisyadii ugu horreeyay ee uu Abwaan /Warire Sidiiq Burmad ku bilaabay iyo jawaabihii ay Laabsaalax iyo halbeeg kaga hal celiyeen ka dibna illaa halka ay haatan marayso ka wada bogo.
Haddaba Sidiiq Maxamed Birmad oo bilaabay ayaa ku bilaabay maansooyinka koob kooban sidan.
Wallee sharafi dhimataye
Adigoo n wax sheegayn
Shir jaraa’id qabashadu
Shaashada ka muuqoo
maku shaacbax uunbaa?
Sidiiq Maxamed Birmad
,,,,,,,,,,,,,,,,,
Abaan Xasan Saleebaan(Laabsaalax) oo jawaabtii koobaad ka bixiyay ta Sidiiq Birmad ayaa isna yidhi
Mar hadaan La Shiidayn
Dadka kii Ku Shubasha ah
Ee Shilinku Soo Diro
Shicibkuna Durbaanada
Shanta Sacabka ugu Tumo
Sidiiqoow Ma Shaah baad
Bilaash ugu Shubaysaa
Mise Shaqaad U haysa
Shuqulkiisa Weeyee.
Ha Sharaabiyee Daa
,,,,,,,,,,,
Maxamuud xasan halbeeg oo noqday abwaankii sadexaad ee la wadaaga maansadan kooban ayaa iska ku dooday sidan
Shir jaraa id qabashadu
Waa shil ina haystoo
Dalka shiiqinaayiyo
Shaatigaynu xidhanahay
Shaanbad la la dhacaayiyo
Shanshadiyo Tagoogada
shilin inaga Cunaysee
Shiikhii xidigo hoow
Adaa magac shabeeloo
shaashadaha ka baahoo
shaac baxay hagoogtoo
Soomaalida shantaa iyo
Beryo geeska Shidayoo
Shaab Shaab la Haayoo
Shaalkaagu muuqdaa
Shir jaraa id Doonada
sida Shuban Biyoodkii
Sharoobo aynu Siiniyo
sharooto Aamusiisiyo
Shakaal Laba Dibleeyiyo
Shebeg lagu Qufulo Doon
Ama Shuushkan Shuqubaha
Shibaan wada Nidhaahnoo
Sheeda uun ka eegnee
Shaydaanka wada ee
Shookaanta u hayaa
Shalawguu ka rido dhawr
Intaa markii la is waydaarsaday ayuu Abwaan Xasan Saleebaan Laabsaaxa oo markiisii labaad ku soo noqday ku halqabsaday Abwaan Sidiiq waxaanu yidhi.
Shaxda Garo Sadiiqoow
Ina ganay Shilkii Dhacay
Ma ogayn Shalaytee
Batuun iyo la shawr guray
Fartaag hoos u Wada shira
Xaaji shabaga Soo gali
Shanqadhaha badh baa jira
Laga qariyay Shicibkee
Shiishka Saar Wacyiga jira
Garashada bal Shaandhee
Xogta Shaadhka Loo Tolay
Inaad Sheegto Waa Gare
Dareenada Shakiga Dhalay
Yaa Keenay Shaarica
GoorMuu Sharcigu Yidhi
Danbi Sheekha kama dhaco?
Doonidii Shiraacnayd
Shixnadeeda Yaa dhacay?
Goormaa Shuruud Li,i
Sharka Khayrka loo Rogay?
Damiirkii Shakaalnaa
Hadmuu shilinku maamulay?
Sheekada Intaad Daday
Ha Sharaxo Wax garadkuye
Maalintii Shilkaha Culus
Laysku Shiishay Baaruud
Ninka Dhiig u soo shubay
Ee Shahiid Ku Talo Galay
Markuu Saaka Shaacee
Qiiq Shareeran Daawaday
Shalay Dhaantay buu yidhi!!!
Abwaan Sidiiq Maxamed Burmad oo isna markiisii labaad silsilada ku soo noqday ayaa ku soo jawaabay maansadan.
laabsaalaxow shiiq
ninkastoo shax dhigi jiray
mas-dilkaa ka shicib badan
jiiraanka soo shiri
wax u sheeg haweenkii
ubadkiina kaga shubay
laabsaalaxow shiiq
ninkastoo shax dhigi jiray
masdilkaa ka shicib badan
jiiraanka soo shiri
wax u sheeg haweenkii
ubadkiina kaga shubay
shookaanta kuu qabay
shib dhe kii la odhan jiray
shicib waa” indheergarad
markii shaalka loo sudhay
iyagoo wan shilis qalay
waa kuwaa shariiryaha
cunayee ka sheekee
iyagoo intii shalay
aan shilin cid uga tagin
waa kuwaa shandado kale
rartayee ka sheekee
cirkanoon raxmaad shubin
shansannoo abaaro ah
bal kuwaa shaqaystee
shilinkii yimaadaba
shuuqsaday ka sheekee
sida shaagga loo rogo
shishe iyo dib loo wado
waa kuwaa shuruucdii
shabagii ugaadhsiga
ka dhigee ka sheekee
shaqaaqooyin faafiyo
xaalado shacbiga dhiba
guddi shaaci mooyee
awoodaha dabkoo shidan
shuuriya ka sheekee
shaqsibaa la doortee
shaadh bira rag loo tolay
iyo dhowr shalmado xidhan
shidhku deeqi maayee
shil intaanu wali galin
wadayaal ka sheekee
waa amar shirkadahoow
u shaqeeya caynkaa
shilinkaa la kabayaa
bal inay shantarad tahay
shalay uun go’aankii
dhacay uun ka sheekee
baryahaaba shalowyay
qodayeen shisheeyuhu
shaqadooda yaa yidhi
shidaal baadhis weeyaan
sahan aan xog sheegayn
bal aduu ka sheekee
Dhamaadka wada sheekaysiga
Abwaan Axmed Cismaan Batuun oo isna ku soo biiray abwaanada shiinlayda wadaagaya ayaa ula kala baxay oo ku soo galay maansadan.
Shirka maansayahankee
Xasan shaaciyoow bado
Ha is dhaafo shoocaac
darandoorriyoo shuba
Shida oo ha oogsado
Ha shaqeeyo golihii
Shiishka saari jiray meel
Ee shicibku tabayeen
Hala gubo shayaadiin
Ku shaqaysta dhawr magac
Qudhayduna shilays iyo
Murti sheegan maayoo
Shaaggaan u rogayaa
Shookaanna ma lehee
Ragii shiili jirayee
Sida shaanbaddoo kale
Shadka saari jiraybaan
Xalay sheedda ka arkoo
Isla shawrisbaa tidhi
La shaqee abwaanada
Kala shubay warkiinii
Shaandheeyay weedhaha
Runtu waa shahiidnimo
Dadna shaahid weeyaan
Gefka sheelan lagu yuus
Hal abuurka shicibkuna
U bayaami shuqulada
Shakaal goo dulqaadkii
Shar ka wayn siyaasiga
Iyo sheeko daahnayd
Hal abuurku isu sheeg
Sharafyahaw maryaha tolo
Adna sheekh haldeeqoow
Qabo shamaca nuurka leh
Ha shallaado maansadu…..
Abwaan Axmed Fartaag
Sheekha lacagta qaatee
Shib ka yidhi xaqiiyee
Shilmaad ku doorsaday
Inuu diinta sheeguu
Shakaal dawlad lagu xidho
Shacabkana wanaag faro
Sharka iyo dhibaatada
Dadka shoolad uga digo
Xasanow. Ku shubashadu
Sharaftii Abwaanada
Qaar bay shalaadkii
Kaba shuuri tidhi-yoo
Runta uga shakaalmee
Saw siyaasi sheekada
Shaxda ruuxa lagu dago
Kubad shabaqa muu dhigin
Waxa shiinka keenaa
Bal in loo sharaxo iyo
Dadku shaafi sugayee
Shaqalkiyo u jeedada
Shibanaha bal noo sheeg
Abwaan Cabdi Wali Saxardiid ayaan isna ka habsaamin ka qayb galka maansada Shiinlayda ah waxaanu kaga qayg galay maansadan.
Shar la aan mid nabadiyo
Dalka weli shil kama dhicin
Shifo caafimaad iyo
Shukri mahad ah weeyaan
Shicirka iyo maansada
Ragga shaqalka erayada
Shibanaha ka yeedhshow
Shadka alifka diidiyo
Waxa keenay shaashada
Shicibkaa horseed ka ah
Shilalkay is geeyeen
Ayaa lagu shukulayaa
Iyagaa shalaaftiyo
Isu gooya shirixyada
Iyagaa shirqoolkiyo
Isku xidhaya shookiga
Shar la aan mid nabadiyo
Dalka weli shil kama dhicin
Shifo caafimaad iyo
Shukri mahad ah weeyaan
Shicirka iyo maansada
Ragga shaqalka erayada
Shibanaha ka yeedhshow
Shadka alifka diidiyo
Waxa keenay shaashada
Shicibkaa horseed ka ah
Shilalkay is geeyeen
Ayaa lagu shukulayaa
Iyagaa shalaaftiyo
Isu gooya shirixyada
Iyagaa shirqoolkiyo
Isku xidhaya shookiga
Iyagaa shacaabkiyo
Iska tuura shalawyda
Iyagaa shilka dhaca
Isku aadsha shiishkoo
Nacab sheela duxa wadan
Dhiigood u shubayoo
Iyagaa shax guurkiyo
Isu keena sharaf dhaca
Shuushkiyo warwerkiyo
Shaabuuga lala dhacay
Dib inay u shawraan
Ugu sheega gabayada
Iyagaa shacaabkiyo
Iska tuura shalawyda
Iyagaa shilka dhaca
Isku aadsha shiishkoo
Nacab sheela duxa wadan
Dhiigood u shubayoo
Iyagaa shax guurkiyo
Isu keena sharaf dhaca
Shuushkiyo warwerkiyo
Shaabuuga lala dhacay
Dib inay u shawraan
Ugu sheega gabayada
Abwaan Layla Sagal Cali oo ka socota suugaanyahanka haweenka ah ee maansadan Shiilnlayda ah ka qayb galay ayaa iyana ku soo gashay.
Niman kiinan showree
Sheekaysanaayoow
Duni shaama reertaad
Shawakhaad la joogtaan
Shax nimaan aqoon oon
Kala shubin aduunkoon
Shacabkana jihaynayn
Miyuu shaahba helayaa
Waxa loo shushubayaa
Lagu kala shaqaystaa
Shuqul gaara weeyoo
Inbaa sheer wadaagtoo
Dabka shidi taqaanoo
Dalka shoolad baa taal
Lagu shiilo maatida
Hilbohooda shuukhana
Shilimaad la dhaafsado
Hal-abuur shantiiniyo
Shankalaa fayow oon
Wali shuuxu gaadhine
Taxliil sida sharaabkii
Intaan lagugu soo shubin
Shaashadaha istaagoo
Shiishkiina meel dheer
Ku shakaala weedhoo
Hiilka shacabka soo gala
Baaqaa shirwaynee
Laabsaalax sheegee
Batuun shaacinaayee
Burmad shamac u daaruu
Shocaacii ka qaadiyo
Curinteda shiin-lay
Yaan la iska sheeline
Cida shaadh cadaanniyo
Huwan sharaf dadkiisiyo
Shaadh madoow kuwii xidhan
Haka eegin sheedoo
Runta shaal ha saarine
Golayaal ka sheegoo
Shaaracyada balsoo tuba
Shaandho aan u qaadnoo
Ha wareego shuushkuye
Cabdilaahi Xasan Ganey oo isagoo dalka dibadiisa jooga isna ka qayb galay ayaa ku soo galay maansadan oo uu ku bilaabay sidan
Wax la sheeli karayoo
La shareero Dhuxuloow (Duhul)
Shilku waa ka waynyee
Hal abuurkan shirayaa
Wax ma shaafin karayaan?
Halabuurkan shirayaa
Shicibkooda quustee
Laga shubay kalsoonida
Laga shiilay dhaqankii
Shilinkoodi laga cunay
ee sharafta laga dilay
Wax maw sheegi karayaan???
Gudcur bahal shanqadhayaa
Shaki galiyey beeshee
Halabuurkan shirayaa
Shamasadoo aroortiii
Nuurkeedu shaaciyo
Sida shamac ma nuuraan???
Abwaan Sulub Sh Maxmuud ayaa isna yidhi ka maqnaan maayo oo waan ka qayb gelayaa waxaanu ku soo galay maansadan.
Xasanow shuruudiyo
Kala sheegan hadalkuye
Shaan dhee ujeedada
Adigoon wax sheelayn
shuqulkiyo shabaag taba
Haday shicibku moogyiin
Shaki kama aloosmeen
Sheekooyin kii dhacay
Shirabkiyo waxqabadkuna
shaan shaan intuu yahay
waasheed ka,daalaco
Hadalada shalaal ka ah
Shax shax iyo shirbuuq buuq
Waxma shaafiyaayee
Shaaracu ha,muuqdee
Shilisaa warkeenani
Tiifiigu wariyaa
Damiirkii shirqool baa
Shafka loogu xidhayoo
Ma,sharaysto shicibkii
Haduu shilinku maamulay
Shaxaad kaaba looshiray
Garashaduna waasheed
An shirabo ujeedada
Shiishkaygu daarane
Xasanow shaxdaa gabay
Adaa sooshirabayoo
shaaraca dhex keenaye
Ma,shaan dheeyay aniguna
Garashadii shiraaqnayd
Sakariye Jaamac Muuse isna ku darsay oo wuxuu ku soo galay maansadan.
Hadalkiinu yuu shiikhin
Yaan shaadhka laga saarin
Yaaan shiishka laga weecin
Sheekadu halkay joogto
Shaxda yaan la wada fiirsan
Dadku yaanay wada shuuqsan
Cidkastaaba shaashaynin
Shinbiruu ka qayb qaadan
Marka aad shir doonayso
Kaligaa in aad shawrto
Shacabkoo dhan ha u sheegin
Shamac yaaan la wada daaran
Ha shukulin galay shiidan
Adoon shaandhadii haysan
Shiraaq laguma kala haadsho
Shaadh looma dhigo heeda
Shiidku yaanu kaaa gaaban
Shiishku yaanu kaa weecan
Adoo rabay shariim hoose
Dadka inad u wada sheegto
Sharka haysku soo leexin
Shubka sare ha soo duminin
Shini haysku kaa kicinin
Shalay malabki laga qaatay
Si laguula kala Shiilo
Abwaanadu u shaandhayso
Shiinku waa halkeer dhawe
Erayada shishaaa fiican
Dadka inaad wax ugu sheegto
Adigoo shar diidaaya
Adoo tuugo sheegaaya
Shilimaadki guranayaa
Sheekh ilaahay adigoo ah
Shacabkana u doodaaya
Hadaad shiishka garan waydo
Sharaxaadu kaa baydho
Adigaa shil gali doona
Shalaw buur ka odhan doona
Dadeed shib odhan doona
Shaxdu si ay u waynaato
Shaqalkuna u fiicnaado
Waar shiinkan naga daaya
Oo sheeko kale keena
Mustafe Xasan Cabdillahi kama maqnaan ee isna ka qayb qaaday waanu ku soo galay maansadan.
Dab lashiday kulay keen
Shax ladegay irmaandhal
Dayaxuna shinkiisii
Isagoon shucaac qabin
Shamsa noqoy nurkiisii
Shimbirkiyo ugaadhii
Shanqadh daaye waayadan
Shabagii sakaarada
Dalaq yidhi shabeelkii
Sharaf dhimatay waayeel
Shilin noqoy hankiisii
Shacabkuna damiirkii
Sharci noqoy wixii uu
Ka diddaayey shalayto
Aniguna shilkaa dhcay
Anfariir shantaa dhaban
Yaabkii ku shaanbee!
Shirkan ay abwaanadu
Shiinlay ka curiyeen
Ninba maankiis shiilyoo
Shookaanta maansada
Hadba meel ku shiishye
Waa su’aale sheekhow
Shakibaabay igalisee
Dowladnimo ma shaadhbaa?
Suudh iyo shaxaadbaa?
Danyaraha shiddeeyoo
Shaanshadooda loogba?
Wankii shilisba waayadan
Sheekhii bireeyee
Badhidiyo shariiryaha
Subagiisa shiilee
Haamaha ku shubaya
Ma siyaasi sheegbaa?
Waa maxay sharkani dhacay?
Ee shishe la eegayn!
Cabdi Aadan ku darsay isna oo ku soo gal maansadan.
duulka aan sharmooye
lagu sheegin kheyrke
wanka shilis shaley qaley.
cidna shilinka uga tegin
cirka gudhan shanta sano.
ka shaqeysanaya
ma shaydaan tahriibo
shixnadu sideenba?
ma shisheeye cadawo
dalka shaleyta yimido
shaaliyo khamiis la?
Raganimo Omar
Murtideeni shiilayd
Sharafteedu way nayd
Sharaxaada maansada
Sharka lagu cadayn jiray
Hadii lagu shaxaatamo
Shaadh madaxda loo xidho
Sheekh male warkeeduye
Abwaanadan shiraayoow
Shaacaba ka qadoo
Sharcigana ha dhaafina
Sheedaad ka aragtee
Sharaftana u meel daya
Shicibkana ha shashayn
Madaxdana ha shaaabadin
Sheeg sheegtay xumahee
Wanagana bal shaandheeya..
Siciid ibraahin Dool ayaa isna kaga calaf qaaday maansadan
Wali sheeko wa bilaw
shaxda jeexan ee dhigan
hawmalayn shantaradii
wa shiish abawaan sugay
wa shabag badwayn yaaal
wa ceel shan baac qodan
wana laba shub mansadu
MAANSADA SHAAHID
Abwaan:Maxamed aw cali cartan (Haldeeq) oo isna aan ka habsaamin ka mid noqoshada abwaanada shiilnayda ka hilaacay ayaa ku soo galay maanso uu ugu magac daray Shaahid waxaanu ku bilaabay sidan.
Shiinleydu waa qodob.
Shuruudeedu waa dhaqn.
Inaan laga shax guurayn.
Iyo sheegmo qiimo leh.
Anna shaanbis laba suul.
Shanqadh tirad usoo shiray
Shaahidoo golaa imi.
Allii sheegay baa yidhi.
Shaydaanku waa dhagar.
Wana khalaq shirqol badan
Alla shiishyo badanaa.
Marbuu shaadh xaradhliyo
Sharabbaado qaataa.
Marbaad sheybe moodaa
Sharaf iyoxishoodloo.
Shansadiyo halbawlaha.
Dhuuxaaga shiishaa.
Marar buu la shawraa
Shabeelkiyo siyaasiga.
Shaarubaha miiqaa.
Kuwa dhiigga shuba iyo.
Suldaan shaanbinaayiyo.
Tijaar shaam ka yimi iyo.
Maalmuu shuqube yahay.
Shaal soo hagoogtaa.
Shakiguu abuuraa.
Ubad wada sharaabiyo
Walaalaha marbuu shuush
Shiddo kala dhex geeyaa.
Sharka wuu u diran yahay.
Shardiguu ku dhaartiyo
Shiishkii mar muu dhimin.
Qalin shubatayaashiyo
Shantii ribada caashaqay
Weli way shilshilisyiin.
Shariiruhuna dherigii
Haka shiririq leeyeen.
Shaxda iyo dhardhaaradu
Xaabadu ku shidan tahay
Layskama shidhaysane
Waa shurug badhkoda leh.
Markii uu ku shaaxiday.
Shamac uu horqaadiyo.
Sheegmada dadwaynaha.
Abwaan sheegay baa yidhi.
Shilka uu badh leeyahay.
Nin shifee la leeyahay.
Ku shu’aysan maayoo.
Shilintiyo dhibiiqaas.
Shucuur halaq ka raaliya.
Ma shifayn karaynaa?
Shiinleeda geesiga.
U shaxeeyey maansiyo.
Siddiiqoow salan sharaf.
Halabuurka shidayee.
Sidii shaaca waa beri.
Ku shareeray nuurkee.
Shaqlay erayadeedee.
Sagaleey shid iyo cayn.
Haw hanbayn shareerada.
Mudanaha shakaarada.
Hawraar shubaal wacan.
Ku sharraxay far-shaxankow
Abwaan hibadu sheegtiyo
Batuunoow shax dawdaban.
Shibbanaha tafsiiroo.
Shaqalada u low saar.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland