Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ahna Murashaxa Jagada Madaxweynaha ee Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro,ayaa kulan la qaaday masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ee gobolka Gabilay.
Shirka uu musharax cirro la yeeshay masuuliyiinta gobolka Gabilay oo ahaa mid ay labaabadu u xidhan yihiin ayaa la sheegay in lagaga wada hadlay hawlaha Xisbiga iyo sidii loo dar dar galin lahaa
Shirkan oo socday sida la sheegay muddo saacado ah ayaa waxay masuuliyiintani shirkoodan kaga doodeen isla markaaana ay kaga wada hadleen arrimo xasaasi ah oo ay kamid yihiin is xog waraysi dhex maray masuuliyiintan,iyo dardar galinta hawlaha xisbiga ee gobolka Gabiley oo ay u qoondeeyeen xisbiga WADDANI in xarunta gobolka Gabiley ay noqoto xarunta ololaha doorashada.
Masuuliyiintan kulanka goob jooga ka ahayd ayaa waxa kamid ahaa
.1) Mudane Craxmaan Cirro-Murashaxa iyo Gud. Xisbiga.
2) Muuse Cabdillahi (Hogaanka Xisbiga)
3) Imaam Axmed Suufi-Xog-hayaha Diinta iyo Awqaafta
4) Xildh. Xasan Ahmed(Dhagjar)
5) Mudane Daauud- Xog-hayaha Beeraha
6) Xamse Khayre -Madaxa Ololaha Qaranka.
Gabagabadiina lama garanayo natiijada kasoo baxday kulankan ay fooda isku dareen gudoomiyaha ahna murrashaxa xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo masuuliyiinta xisbiga WADDANI ee gobolka Gabiley.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland