Laascaanood(Xogsoormedia.com):- hal qof ayaa gaajo iyo harraad ugu geeriyooday gobolka Sool xilli ay dalka Somaliland ka taagan tahay abaar baahsan oo dad iyo duunyoba saamaysay,halka ay Xukuumadda Somaliland wali ku hawlan tahay kaambayno iyo munaasibado ay u qabato xubno ku soo biira oo qarash aad u badani uu ku boxo.
Qarashka ku baxaya munaasibadaha ay Xukuumaddu u qabanayso shaqsiyaadka ku soo biiraya Xisbigeeda KULMIYE,ayaa wax badan ka tari lahaa dhibbaatooyinka ay abaartu ku hayso dadkeeda ay hilmaansan tahay.
Haddaba halkan ka daawo wararkii ugu dambeeyay abaarta goblka Sool iyo qofka gaajada ugu dhintay