Somaliland: Dal ay ku Yaallaan Xabsiyo Sharci Darro Ahi. ““Haddii lagugu xidho ma Taqaanid intaad Xidhnaanayso Maxkamad ku Xukuntayna ma jirto.” Maxbuus ka soo baxay

0
548

“Haddii  lagugu xidho ma taqaanid intaad xidhnaanayso maxkamad ku xukuntayna ma jirto.” Maxbuus ka soo baxay

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-  “Somaliland waxaa ka jira xabsiyo aan sharci ahayn oo aanad garanayn intaad ku jirayso haddii lagu geeyo.” Sidaa waxaa hadalkiisa ku bilaabay  nin ka gaabsaday  in uu magiciisa shaaciyo oo ka soo baxay mid ka mid ah cilaajyada Hargeysa oo sheegay in u galay xadhig aan sahrci ahayn oo aanay jirin Maxkamd ku xukuntay iyo waaran  qabasho oo loo soo jaray midna.

index

Waxaani intaa raaciyay isagoo hadalkiisa sii wata.”magaranaysid intaad ku jirayso iyo goortaad ka soo baxayso maxkamad ku xukuntay iiyo tiro aad tirsataana meesha ma taallo waxaad tahay nin xidhan oo markuu  hadlana loo dirayo afar xoog waawayn oo xabsiga ku jira waxaanay kuu xidhayaan qaabka figta la yidhaahdo ee ciidamadu isu ciqaabaan raga xoogga waawayn ee xabsigan sharci darada ah joogaana  waa kuwo qabta marka la ydaahdo oo kaliya  deg deg u maqlaya oo aan waxba ku waydiinan.”

Ninkan magiciisa qariyay ee ka hadlayay dhibaatooyinka lagala kumo cilaajyada ayaa sheegay in cilaajyadu ay yihiin xabsiyo qof kasta la geyn karo oo aan u baahnayn in qofka la geynayo  lo ohayo caddaymo muujinaya in uu yahay ruux qaba xanuunka dhimirka oo cilaajka loo eenay dabiib laakiin waxay ku xidhan tahay oo keliya waxaana la geyn karaa cid kasta  oo ay dadka ay isku qoyska yihiin ay is qabtaan sida uu ninkani sheegay.

“Aniga waxaa la igu geeyay si khiyaamo ah ka dib markii la ii sheegay in guri qoyskayaga ah la iga doonayo  gaadhina la iisoo diray gaadhigii aan raacayna wuxuu I geeyay gaadhigii guri weyn oo ganjeel leh oo aanan garanayn oo Cilaaj ah,markii aan arkay in meeshu ay tahay meel ka duwanm wixii la ii sheegay waxaan is idhi ku noqo gaadhiga laakiin niman meesha joogay ayaa  si kooban loogu yidhi waa kan,kadibna aniga oo aan hadal ayay 5 nin oo xoog wayn ayaa isu kay qabtay oo si axmaqnimo ah isugu kay jabiyay ina xareeyay,sidaas ayaanan ku noqday masbuus aan  maxkamadi xukumin.”

Waxaa kale oo uu sheegay in uu cilaajkaa kula kulmay dad badan oo sababaha loo keenay aanay ahayn ujeedada dhabt  ah ee Cilaajyada loo furtay oo ah in qofka maskaxda  ka buka lagu dabiibo laakiin ay ku xidhnaayeen dad ay qoysaskooda dhaxal isku hayaan iyo rag uu sheegay in siyaabo kala duwan oo arrimo qos ah loosoo xidhay sida rag ay haweenkooda isku dheceen oo lagu qaaday kiis ah wuu waashay.

Waxaanu intaa ku dary in Cilaajyadu aanay lahayn cid baadha qofka la geeyay oo haddii aanu xanuunsanayn xorriyaddiisa u soo celisa,halka uu tilmaamay in ay yihiin xabsiyo leh albaab laga galo oo keliya.

Waxaanu Xukuumadda Somaliland,gaar ahaan wasaaradaha Caafimaadka iyo caddaalada u soo jeediyay in ay  u kuur galaan xaqiiqada  dhabta ah ee ka  jirta Cilaajyada oo ay ogaadaan dadka ku xidhan.

Waxaanu ydhi isagoo arrimahaa ka hadlaya. “waxaan leeyahay wasaaradaha caafimaadka iyo caddaalada waajib ayaa idinka saaran dadka cilaajyada ku jira ee isugu jira kuwo buka iyo kuwo la iska xidhay ee ka war doona cilaajyada oo xaqiiqada ka jirta soo ogaada oo dadka ka badbaadiya dawada  lagu grayo dadka ee aan dhakhtar qoray jirin ee qofkasta lagu seexinayo.”

Ninka waraysigan bixiyay ayaa ka cudurdaartay in magiciisa la shaaciyo iyo in uu magacaabo cilaajka la geeyay ee uu mudada badan ku xidhnaa oo uu sheegay in uu Hargeysa ku yaallo.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland