Qiimaha Sarrifka Dollarka oo Cirka Isku Shareeray iyo Guddigii La Dagaalanka Sicir Bararka oo Hawl Gab Nototay

0
487

Markay gacantii dambe ee Dolarku  hoos u soo dhici waayay ayay gacankii horena gaadhay 8600 Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Qiimaha Sarrifka Dollarka,ayaa cirka isku shareeray isla magraaka gaadhay halkii ugu sarraysay  tan iyo markii Xukuumadda Somaliland ay go,aamadda ka soo saartay qiimaha Dollarka  ee ay  sheegaty in aanu dhaafi karin qiimaha halka Dollar 7.000 oo Somaliland shillin ah gacanta hore halka ay gacanta dambena ugu sicir goysay in uu ahaado 7.500 laakiin taasi may noqon wax sii shaqeeya waxaanu Dollar ku maalmihii tallaabada Xukluumaddu ay taagnayd uu gaadhay 7.000 in gacanta hore lagu  kala iibsado halka ay gacanta dambena gashay suuq madaw oo ah qofba halkii laga helo.

Markii ay  digreetada Madaxweynaha Somaliland soo  baxday muddo kooban ayay wax isku bedeleen isal markaana qiimaha shillinka Somaliland uu kor u kacay  oo  ay dadku soo dhaweeyeen laakiin waxay taasi isku bedeshay maalmo kooban ka dib markii dollarku uu noqday wax suuq madaw lagu kala iibsado gacanta dambe.

20161215636173619892311185sarrifka-somaliland1

Bulshada reer Somaliland ayaa markii ay aragtay in qiimaha dolarku uu yahay wax aan meel fadhiyin isla markaana qofka Dollarka sita oo qudha lagaga qaadanayo qiimihii ay Xukuumaddu u goysay ayay iyaguna dib ula fadhiisteen oo ay iskaba daayeen in ay sarriftaan ka dibna wax ku iibsadeen intoodii Dollarka haysatay Dollar ,taasina waxay keentay in uu si toos ah qiimaha Dollarku sare ugu koco oo uu gaadho  halkii ugu sarraysay wareegtadii Madaxweynaha ka dib waxaanu maanta Suuqyada Hargesa ka marayaa qiimaha Dollarku gacanta hore 8600  oo shillinka Somaliland ah waxaanu sare u kacay 1600 oo shillin qiimihii Xukuumaddu u goysay lamina garab karo  qiimaha ay gacanta dambe taagan tahay wakhti xaadirkan iyadoo marka lagaa iibinayo Dollar ay noqonayso in si suuq madaw ah lagaaga iibiyo iyadoo la  iska ilaalinyo in aad boolis  tahay iyo in kale laakiin haddii aad sidato waxaa laguugu sarrifayaa qiimahaa aan kor ku soo xusnay.

index

Taasina waxay meesha ka saaraysaa jiritaanka qiimihii ay xkuumaddu u goysay waxaanay waxba maka jiraan ka dhigaysaa amarkii Madaxweynaha Somaliland ka soo saaray ka dib markii ay shaqayn wayday gudigii la dagaalanka Sicir bararka iyo kor u qaadista qiimaha shillinka Somaliland oo wakhti kooban ku hadal daysay.

Mid ka mid ah ganacsatada  dhexe ee caasimadda Hargeysa oo ka gaabsaday in magiciisa la shaaciyo ayaa Xogsoormedia.com u sheegay in  kor u kaca qiimaha Dollarka in ay sababtay lacagtii Xoolaha nool ka soo xeroon jirtay oo aan jirin ka dib  markii Sucudigu xoolaha joojiyay taasoo uu sheegay in ay ahayd lacagta keliya ee Dollar ah ee jabin jirtay qiimaha Dollarka.

Waxaanu intaa ku daray in aanu qiimaha Dollarku jabayn illaa suuqyada Somaliland uu soo galo Dollar ka badan inta imika soo gasha,waxaanu wax aan shaqaynnayn ku tilmaamay hadalada Gudiga  la dagaalanka Sicir bararka oo uu sheegay in qiimaha dollarka waxa kaliya ee  jabin karaa in ay tahay  lacag dollar ah oo suuqyada soo gasha.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland