Shir-jaraa’id: Maanso kooban oo Sadex Abwaan Isu Hal Celiyeen

0
429

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Shir-jaraa’id: waa maansooyin koob  kooban oo ujeedo ahaan iyo suugaan ahaanba dhammaystiran oo ay   sadex abwaan is waydaarsadeen kagana hadleen shirarka jaraa’id ee maalin kasta taagan iyo dadka warbaahinta habeenkasta laga daawado  oo dad badani ay aad ugu dawakhaan isla markaana ay is waydiiyaan waxa laga hadlayo iyo hadalka maalin kasta taagan ee aan nuxurka badan xambaarsanayn.

Maansooyinka koob kooban ee aan soo wado iimaga  dhex muuqato in ay cid gaar ah shirkooda jaraa’di diiddan yihiin laakiin waxay suugaan kaga hadleen oo kleliya inta ay dadkuba is waydiiyaan ee ah oo muxuu ka hadlay iyo muxuu soo kordhiyay.

16935951_1909117892708690_141010446_o

Sadexda Abwaan eek ala ah Sidiiq Maxamed Birmad, Xasan Saleebaan dhuxul(Laabsaalax) iyo maxamuud xasan halbeeg oo maansooyin kooban  oo Shiinlay ah is waydaarsaday ayaa kala ah laba abwaan oo diidan isla markaana dhaliilsan shirjaraa’id ka hadalka iyo abwaan isagu taageersan oo  ku doodaya in ay tahay camal iyo nooc shaqo oo imika lagu xoogsado iyo xirfad lagu shaqaysto isla markaana loo baahan yahay in loo daayo dadka haddaan shaqo loogu bedelo aan loo hayn.

Haddaba Sidiiq Maxamed Birmad oo bilaabay ayaa ku bilaabay maansooyinka koob kooban sidan.

Wallee  sharafi dhimataye

Adigoo n wax sheegayn

Shir  jaraa’id  qabashadu

Shaashada ka muuqoo

maku shaacbax uunbaa?

Sidiiq Maxamed Birmad

,,,,,,,,,,,,,,,,,

Abaan Xasan Saleebaan(Laabsaalax) oo jawaabtii  koobaad ka bixiyay ta Sidiiq Birmad ayaa isna yidhi

Mar hadaan La Shiidayn

Dadka kii Ku Shubasha ah

Ee Shilinku Soo Diro

Shicibkuna Durbaanada

Shanta Sacabka ugu Tumo

Sidiiqoow Ma Shaah baad

Bilaash ugu Shubaysaa

Mise Shaqaad U haysa

Shuqulkiisa Weeyee.

Ha Sharaabiyee Daa

,,,,,,,,,,,

Maxamuud  xasan halbeeg oo noqday abwaankii sadexaad ee la wadaaga maansadan kooban ayaa iska ku dooday sidan

 

Shir jaraa id qabashadu

Waa shil ina haystoo

Dalka shiiqinaayiyo

Shaatigaynu xidhanahay

Shaanbad la la dhacaayiyo

Shanshadiyo Tagoogada

shilin inaga Cunaysee

Shiikhii xidigo hoow

Adaa magac shabeeloo

shaashadaha ka baahoo

shaac baxay hagoogtoo

Soomaalida shantaa iyo

Beryo geeska Shidayoo

Shaab Shaab la Haayoo

Shaalkaagu muuqdaa

Shir jaraa id Doonada

sida Shuban Biyoodkii

Sharoobo aynu Siiniyo

sharooto Aamusiisiyo

Shakaal Laba Dibleeyiyo

Shebeg lagu Qufulo Doon

Ama Shuushkan Shuqubaha

Shibaan wada Nidhaahnoo

Sheeda uun ka eegnee

Shaydaanka wada ee

Shookaanta u hayaa

Shalawguu ka rido dhawr

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland