Arabsiyo(Xogsoormedia.com):- Alle ha u naxariistee hal arday ayaa geeriyooday sadex kalena dhaawacyo ayaa soo gaadhay ka dib markii gaadhi booyad ahi uu saaka ku jiidhay gudaha magaalada degmada Arabsiyo ee gobolka Gabilay
Alle ha u naxariistee waxaa shilka gaadhi ku geeriyooday Marxuum Maxamuud Sheekh Maxamed Cabdi waxaana ku dhaawacmay sadex arday oo kale ka dib markii ay jiidhay Booyad ay leedahay shirkadda dhismaha ee Barre Constrraction sida uu Xogsoormedia.com u xaqiijiyay Guddoomiyaha degmada Arabsiyo Cabdikaahi Ciise
Waxaa kale oo uu guddoomiyaha degmada Arabsiyo intaa ku daray in sadexda arday ee dhaawaca ah laba ka mid ah loo soo qaaday Cisbitaalka guud ee Hargeysa oo hadda lagu dabiibayo halka mid ka mid ah ardayda dhaawacantayna lagu daweynayo cisbitaalka Gabilay oo uu ladan yahay.
Waxaa kale oo uu intaa raaciyay Guddoomiye Cabdilaahi in Booyadii shilka dhimasho iyo dhaawac sababtay in ciidanka boolisku ay gacanta ku dhigeen oo ay ku xidhantahay saldhigga Booliska ee Gabilay.
Guddoomiye Cabdilaahi waxaa uu tacsi u diray qoyska qaraabada iyo ehelka iyo guud ahaan bahda waxbarashada ee ardaygu ka geeriyooday waxaanu alle uga baryay sadexda arday ee dhaawacmayna in uu caafiyo.
waxaanu digniin u diray guud ahaan wadayaasha gaadiidka ee xawaaraha ku socda gaar ahaan booyadaha oo uu sheegay in ay si aan masuuliyad lahayn oo xawaare ah in ay u socdaan.