Bosaso(Xogsoormedia.com): – Weerar Bambaano,ayaa caawa lagu qaaday Bangiga dhexe ee Magaalada Bosaso ee Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland xilli uu magaalada ku sugan yahay Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Weerarka oo caawa fiidkii dhacay ,ayaan illaa hadda la ogayn cidda fulaisay ee geysatay mana jirto iilaa iika cid sheegatay Masuuliyadda weerarkaas
Mana jiro wax war ah oo maamulka gobolka Bari uu ka soo saaray weerarka lagu qaaday bangiga dhexe ee magaalada Boosaso.
Wararka laga hlayo magaalada Bosaso,ayaa sheegaya in weerarka bambaano laga maqlay gudaha baanka isla markaana aan wali la aqoonsan cidda geysatay waxaa kale oo ay wararku sheegayaan in ay jiraan dad ku dhaawacmay weerarkaas inkasta oo aan la xiqiijin tirade dadka wax ku noqday.
Dhinaca kale ammaanka magaalada Bosaso ,ayaan wanaagsanayn mddooyinkii ugu dambeeyay waxaana ka dhacayay falal amni darro oo isugu jiray weeraro qaraxyo ah iyo dilal qorshaysan waxaana ugu dambeeyay weerar lagu qaaday Hotel Village oo ay ku dhinteen lix ruux oo ay kamid ahaayeen kooxdii weerarka soo qaaday.
Wixii warar ah ee ka soo kordha kala soco Xogsoormedia.com
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland