Hargeysa(Xogsoormedia.com):- guud ahaan gobolada iyo degmooyinka Somaliland,ayaa laga oogi doonaa maalinta Axada ee soo socota Salaad Roobdoon ah iyo ALLE bari RABBI lagu tuugayo oo ALLE lagu baryayo,ka dib markii ay abaarta ka jirta Somaliland ay dabo dheeraatay ee ay saamaysay nolosha dad iyo duunyo miyi iyo magaalobana wada gaadhay.
Sidaana waxaa sheegay wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo ka hadlayay amar uu Madaxweyne ku-xigeenKA Somaliland ku faray in uu iclaamiyo oogidda Salaad Roobdoon ah oo dalka oo dhan laga tukan doono.
Waxaanu yidhi “ Madaxweyne ku xigeenku isaga oo ah ku simaha Madaxweynaha Qaranka Somaliland isla markaana ka damqanaya dhibaatada ina haysata, waxa uu ina faray in aynu iclaamino salaad roob doon ah, maalinta Axada soo socota oo bishu ay tahay 26/ February In aynu u soo baxno masaajidada iyo goobaha lagu tukan jiray salaadaha, oo aynu ILAHAY barino, oo aynu ILAHAY u toobadkeeno.”
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland