Hargeysa():-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa kulan gaara la qaatay uqaabilsanaha dawladda Ingiriiska ee Somaliland Mr’s.Lizzie iyo Madaxa hay’adda DFID ee dawladda Ingiriiska u qaabilsan horumarinta caalamiga ah, ku waasi oo ku sugnaa magaalada Hargeysa.
Waxaana guddoomiye Cirro ku wehelinaayey la taliyahiisa arrimaha dibadda Marwo Faadumo Siciid iyo madax kale oo ka tirsan masuuliyiinta Xisbiga WADDANI, waxaanay labada dhinac ka wada-hadleen arrimo badan oo khuseeya Doorashooyinka, Abaaraha iyo sidii ay u fulin lahayd dawladda Ingiriisku ballan ay hore madaxda Xisbiga WADDANI
Kulankan oo muddo saacado ah socday, ayay labada dhinac waxyaabihii ay kaga wada hadleen isku iskula qaateen in la hir galiyo kuwaasoo ay ugu waynaayeen sii adkaynta xidhiidhka Somaliland iyo Ingiriiska iyo ka qayb qaadashada dawladda UK ee gurmadka abaaraha iyo arrimaha doorashooyinka.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland