Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlay Qorshaha Dawladdiisa ee Wadahadalada Somaliland

0
395

 Muqdisho(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdlaahi Farmaajo,ayaa ka hadlay qorshaha dawladdiisa iyo Somaliland oo uu sheegay in ay ka go’antahay in  dawladdiisu ay sii wadidoonto  wadahadaladii Somaliland iyo Soomaaliya u socday oo uu sheegay in ay  halkii ay wadahadaladu ay taagnaayeen ay ka si amba qaadayaan sida uu sheegay illaa guul laga gaadhayo.

Madaxweyne Farmaajo,ayaan sheegin nooca guusha ay doonayaan in laga gaadho wada hadalada Somalliland iyo Soomaaliya,iyadoo ay Somaliland ujeedada wadahadalada ay Soomaaliya kula jirto ay uga gol leedahay in Somaliland iyo Soomaaliya ay ku noqdaan laba dal oo deris ah oo ku kala noqday midawgoo lixdankii ka dib  burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya 10991-dii,halka ay Soomaaliya doonaysay in wadahadalada ay ka soo baxaan is-afgarad mar  kale Somaliland iyo Soomaaliya ku midoobaan oo la isku soo noqdo.

_94797897_p04tpycz

“Wadahadalka dowladda federaalka iyo walaaleheen Somaliland waxay ahayd tallaaabo wanaagsan oo hore loo qaaday,Waxaan sii wadeynaa wadahadallada Somaliland lala lahaa si aan uga midha dhalino”. Ka Ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlayay munaasibad lagu caleemo saarayay oo lagu qabtay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya u socday oo aan midna guul ka gaadhin doonista dhiniciisa ayaa ali aagan oo gogoshoodu ay taalla dalka Turkiga

Sida uu Madaxweynaha Soomaaliya uga hadlay wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa u eg mid ka duwan hadaladii hore ay u odhan jireen Madaxda Soomaaliya o ku adkayn jiray carrabka marka ay ka hadlayaan midnimo dhex marta Somaliland iyo Soomaaliya.

Laakiin Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya waxa kaliya oo uu hadalkiisa ku sheegay in ay sii wadayaan wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya si looga midho dhaliyo wadahadalka.

 Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland