Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Maxkamadda sare ee Somaliland,ayaa qaraar iyo fasiraad ka soo saartay kq dib markii uu MadaxwweynaHA Somaliland u gudbiyay dhawaan qoraal rasmi ah oo uu kaga dalbaday in Maxkamadda sare ay is waafajiso go’aankii Maxkamadda Sare hore uga soo baxay iyo muddo kordhinta la galay ka dib markii ay doorashada Madaxtooyadu dib u dhacday sababo la xidhiidha abaarta dalka ku habsatay.
Haddaba halkan kaga boqo qaraarka iyo fasiraadda ay doorashada Madaxtooyada ka soo saartay Maxkamadda Sare oo ka kooban lix qodob.
Qaraarka Maxkamadda Distuuriga Ah Ee JSL
- Maxkamaddu waxay aqbashay codsiga dib u eegista ee madaxwaynaha Somaliland ee summadiisu tahay JSL/M/MD/100-4553/022017 kuna taariikhsnaa 14.02.2017 ee uu maxkamadda Distuuriga ah ee JSL kaga codsanayey in dib u eegis ku samayso qaraakeedii fasiraada ahaa ee summadiisu ahayd MS/DD/02/2015 ee ku taariikhaysnaa 18.08.2015
- Maxkamaddu waxay wax ka badashay qaraarkii maxkamadda Distuuriga ah JSL ee summadiisu ahayd MS/DD/02/2015 ku taariikhaysnaa 18.08.2015.
- Waxay tirtirtay farqadaha 1-Aad iyo 3-Aad ee qaraarka summadiisa iyo Taariikhdiisuba kor ku xusan yihiin oo ka hadlayey in doorashada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka iyo waliba golaha wakiiladu ay qabsoonto March 2017.
- Waxay faraysaa in golaha guurtidu ay waajibkiisa Distuuriga ah ka guto kordhinta doorashada madaxwaynaha iyo madaxwayne ku xigeenka iyada oo laga duulayo soo jeedinta madaxwaynaha Somaliland si dastuurka JSL waafaqsan.
- Qaraarkan waxa loo cuskaday qodobada 97,98 ee dastuurka JSL iyo qod.15 XNG iyo 334 XHM.
- Qaraarkani waxa uu soo baxay maanta oo taariikhdu tahay 16.02,2017.
Waxaana lixdan qodob ee qaraarka ah ee maxkamaddu kasoo saartay doorashada madaxtooyada Somaliland ku saxeexnaa guddiga garsoorka oo kala ah
- Aadan Xaaji Cali (Gudoomiye)
- Maxamed Cumar Geelle (Xubin)
- Maxamed Faarax Siciid (Xubin)
- Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan (Xubin)
- Cabdiraxmaan Xasan Nuur (Xubin)
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland