Soomaaliya oo Sheegtay In Ay Dacwad Ka Gudbinayso Dalka UAE oo Somamliland Heshiis Saldhig Millatari La Gashay

0
313

Muqdisho (Xogsoormedia.com) :- Dawladda Soomaaliya ayaa ka hadashay Saldhigga Millatari ee Somaliland Berbera ka siinayso dalka Imaaraadka Carabta  oo dhawaan labada gole Baarlamaan ee wakilada iyo Guurtida Somaliland cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen

Hanti dhowraha  guud  ee Soomaaliya  Dr. Nuur Faarax Jimcaale oo ka hadlay heshiiska Imaaraadka Carabta iyo Somaliland ee saldhigga Millatari Imaaraadku kaga samaysanayo Berbera,ayaa sheegay in uu yahay mid  gabi ahaanba sharci darro ah oo aanay Dawladda Muqdisho aqbalayn.

2017214636226356065152053Hanti-dhowraha-Qarankaaaaa

Waxaa kale oo uu tilmaamay in heshiiska saldhigga Millatari uu daba socday kii hore Somaliland ay ula gashay shirkadda laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ee DPW oo uu shegay in xubno ka tirsanaa dawladda Xamar in ay wax ka ogaayeen isla markaana uu hesiiskaa hore yahay ka dhalay heshiiska saldhigga Millatari ka soomaaliya ahaanna aanay aqbalayn.

Heshiiskan waa midi labo afle ah, mid waa musuq maasuq, shaqsiyaad Somaliland iyo dowladda Federaalka baa beecinayay dhulka la rabay oo heshiis la soo galay Imaaraadka,  waana  xadgudub qaran”ayuuyidhi . Nuur Faarax oo la hadlayay Idaacada VOA.

Waxaa kale oo uu ka hadlay heshiiskii shirkadda DP World oo lagu wareejiyay Dekeda Berbera, isagoo xusay in qalad ka yimid heshiiskaas uu qeyb ka yahay qaladka hada dhacay.

“Madax sare oo ka tirsan Somaliland iyo dowladda Federaalka ayaa wax ka ogaa heshiiskii DP World, waxaanu runtii heshiiskaasi  dhalay kan saldhiga ciidanka Imaaraadka Carabta lagula galay ee ay ka furanayaan Berbera, waana mid xadgudub ku ah danta umadda”

Waxaanu sheegay in ay golaha ammaanka u gudbin doonaan dacwad ka dhan ah dawladda Imaaraadka Carabta oo uu sheegay in ay faro galin ku hayso.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedi.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland