Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Ardayda kulliyadaha kala duwan ka dhigta Jaamacadda Hargeysa ayaa si wayn uga soo hor jeestay saldhigga Millatari ee ay Xukuumaddu ka siinasyo dalka Imaaraadka Carabta.
Ardayda Jaamacadda Hargeysa oo ka dareen celiyay go’aankii labada gole Baarlamaan ku meel mariyeen Heshiiska loogu ogolaanayo in saldhig Millatari ay ka samaystaan magaalada Berbera dalka Imaaraadka Carabtu,ayaa sheegay in saldhigga Millatari ee Berbera laga bixinayaa uu yahay mid aan Somaliland dan u ahayn isla markaana ah mid waxyeelo u keeni kara madaxbannaanida qarannimada Somaliland.
Waxaa kale oo ay sheegeen in aanay Xukuuaddu caddayn waxa ay kaga bedelatay dalka saldhigga la siiyay oo Somaliland dan u ah sida aqoonsi rasmi ah oo ay Somaliland ka hesho dalka saldhigga la siiyay.
Haddaba halkan ka daawo .