“Muu Ahayn Heshiis Waxa Naloo Keenay ee Wuxuu Ahaa Xayaysiis La Soo Daabacday” Guddoomiye Cirro

0
261

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ahna musharaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Waddai,ayaa si cad u sheegay in aan xukuumadda Somaliland wax heshiis ah oo ay la gashay dawladda Imaaraadka Carabta oo lagu kala qortay saldhigga Millatari ee Berbera laga siinayo Imaaraadku in aanay jirin laakiin kulanka wada jirka ah ee labada gole la hor keenay wax uu ku tilmaamay xayaysiis suuqa laga soo daabacday.

Waxaa  kale oo u dhaliilay Guddoomiyaha golaha wakiiladu sidii loola dhaqmay xildhibaanada goleyaasha qaranka oo uu tilmaamay in ciidan loo dalbaday qaarna la xidh xidhay.

kkkkkkkk

Waxaanu Xukuumadda ku eedeeyay in aanay dhawrin xasaanada mudaneyaasha oo aanay bannaanayn in la xidhi karo,waxaa akle oo uu guddoomiye Cirro nasiib darro ku tilmaamay in la ansixiyo wax male,awaal ah oo aan sharci ahayn.

“Horta waxa kulnaka labada gole la hor keenay may ahayn heshiis laakiin waxay ahayd xayaysiis suuqa laa soo daabacdaya waxaanay is waydiintu tahay tolow imaaraadka iyo Somalilnadba ma afSoomaali ayay ku hadlaan.”ayuu yidhi Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Cirro isagoo hadalkiisa sii watana waxaa uu yidhi oo uu intaa ku daray. “golaha waa la qabsaday oo ciidan ayaa la keenay aan ahayn kii golaha noo joogay xildhibaano ayaa la xidh xidhay waa la jidh dilay taasina waa mid ka baxsan sharciyadda Somaliland in la qabto ama askar loo dalbado xildhibaano Xasaanadii umadda sita oo la soo doortay waana dhacdo  soo noq noqotay intii Xukuumadda Kulmiye Xilka haysay.”

Xogsoormedia.com