“Xukuumaddu Ha Caddayso Heshiiska Millatari Doorka ay Ku Leedahay Dawladda Xamar” Siyaasi Ismaaciil Buubaa

0
348

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Prof Siyaasi Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa,ayaa si xeel dheer oo cilmiyaysan uga hadlay saldhigga Millatari ee  Xukuukaddu ay doonayso in ay dalka Imaaraadka Carabta kaga siiso magaalo xeebeedka Berbera.

Waxaanu ka warramay Somaliland iyo siyaasiyan sida uu saldhiggaa Millatari ku yeelanayo guud ahaan iyo gaar ahaan xidhiidhka dalalka Dariska iyo kuwa dalalka Khaliijkaba sida uu u saamaynayo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay.

waxaa kale oo uu ka hadlay sida loogu baahan yahay in Somaliland ay caalamka wax la qaybsato oo ay xidhiidho iyo cilaaqaadyo duninada la yeelato waxaanu tilmaamay in loo baahan yahay in xidhiidhada caynkaasoo kale ah ee ay Somaliland dunida la yeelanayso in uu ahaado wax la isla ogyahay oo aan qarsoodi iyo isu dusin iyo la dhuumasho aan lagu qor qoran wax dib ugu soo noqon doona dalka Somaliland oo aan dhibtiisa la isal eegin.

waxaanu hoosta ka xariiqay in saldhig Millatari cidda kaliya ee bixin kartaa ay tahay in ay tahay dawlad la aqoonsan yahay isagoo tilmaamay in heshiiskaasi uu yahay mid ay  ku lug leedahay dawladda Xamar oo ay la gashay dawladda Imaaraadka.

Hadaba halkan ka daawo.

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland