Muqdisho(Xogsoormedia.com):- Maxamed Cabdilaahi Farmaajo,ayaa ku guulaystay Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ka dib doorasho maalin dhan ka socotay Muqdiho o hadda soo dhamaatay.
Madaxweynihii hire ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqbalay natiijada Doorashada isla markaana u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub.
Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal kooban jeediyay ayaa u hambalyeeyay Madaxweynaha cusub isla markaana ka codsaday maamaul goboleedyada Soomaaliya in ay la shaqeeyaan.
Dhinaca kale Madaxweynaha la doortay ayaa ka mahad celiyay codka ay siiyeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya waxaanu sheegay in uu dhawaan jeedin doono qudbad uu kula hadlayo dadka Soomaaliya gudo iyo dibedba.
Intaa ka dibna waxaa kulanka soo xidhay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland