Somaliland iyo Jabuuti oo ka Wada Hadlay Xidhiidhka Labada Dal

0
373

Hargeysa(Xogsoormedi.com):- Dawladaha Somaliland iyo Jabuuti,ayaa ka  wada hadlay xidhiidhka labada dal iyo sii xoojiniisa iyo sidii loo sii horumarin lahaa.

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo wefti uu hoggaaminayo o socdaal shaqo ku jooga dalka Jabuuti,ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha dalka Jabuuti M Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasirkiisa arrimaha dibada.

11-3-90x90

“Waxaan halkan uga mahadcelinayaa madaxwaynaha,wasiirada iyo saraakiishii kale ee na qaabishay sida wanaagsan ee qadarinta leh ee ay Jabuuti noogu soo dhaweeyeen,waxaan madaxwaynaha ka wada hadalnay arrimo badan oo iskugu jira xagga Nabad-galiyada,Siyaasadda,Dhaqaalaha,Iskaashiga iyo wax wada qabsiga Ayaan ka wada hadalnay iyo sidii runtii dhiddibada loogu aasi lahaa heshiis laga gaadho amuurahaa si looga wada shaqeeyo”sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa raaciyey “Jabuuti waa wadan horumaray wax badana nagu siyaadin kara wax badana aan ka korodhsan karno”sidaas ayuu wasiir Sacad Cali Shire hadalkiisa kusoo koobay.

Dhanka kalena wasiir Sacad Cali Shire ayaa sidoo kalena waxa uu xafiiskiisa kulan kula qaatay wasiirka arrimaha dibada dalkaasi Jabuuti Xasan Cumar Maxamed iyo taliyaha guud ee ciidamada booliska dalkaasi Jabuuti Kornayl Cabdilaahi Cabdi Faarax,waxaana ay labada dhinacba kulankaasi intii uu socday kaga wada hadleen arrimo badan oo ay ugu muhiimsan tahay sidii ay labada dal uga wada shaqayn lahaayeen dhanka Nabadgaliyada isla markaana ay u sii xoojin lahaayeen xidhiidhka ka dhaxeeya labadaasi dal.

Gabagabadiina wasiir Sacad Cali Shire waxa uu madaxwaynaha dalkaasi Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle uu gaadhsiiyey warqad uu uga siday madaxwaynaha dalka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo taas oo aan la garnayn nuxurka qoraalka ku qornaa.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland