Musharax ka Tanaasulay Doorashada Soomaaliya oo ka Hadlay Faro Galin Shisheeye oo Halis ku ah Doorashada Madaxweynaha

0
415

“In Qaran Dhisan oo Madax Bannaan Doorashadiisa la Maamulo  oo Musharixiinta Lala Safto Waa Wax Lala Yaabo.”

 Muqdisho (Xogsoormedia.com): – Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdirixmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa,ayaa ka dayriyay Doorashada Soomaaliya ee Berri u qorshayn in ay ka dhacdo Muqdisho oo lagu doorto Madaxweynaha Soomaaliya ee shanta sano ee soo socda.

Waxaanu sheegay in uu isagu ka tanaasulay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo uu u tartamayay waxaanu sidoo kale u soo jeediyay mushrixiinta kale ee  tartamaysa isla markaana ah is bedel doonka in ay iyauna qaataan go’aanka uu qaatay oo kale isla markaana ay isu tanaasulaan.

farolee

Inkasta oo aanu caddayn cidda uu u tanaasulay haddana waxaa uu soo jeediyay in la isu tanaasulo.

 “ Kol hadii ay musharaxiintii bateen, xildhibaanadiina wareer ku dhacay ,waxaan soo jeedinayaa in arintaa wax laga bedelo anigaana ugu horreeya oo ficilkaa wax ka qabanaya ,waxaanan maanta go’aansaday in doorashada berri dhacaysa aan si shakhsiyan ah uga hadho “ ayuu yidhi  Cabdiraxmaan Faroole oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho.

Waxaanu intaa ku daray isagoo hadalkiisa sii wata “Waxaan ula jeeda in musharaxiinta kale ee isbadal doonka ahi ay iska soo yareeyaan si ay u koobnaato dadka la dooranayo

Madaxweynihii hore ee Puntland,ayaa ka digay wax uu ugu yeedhay dawlado shisheeye oo faro galin ku haya doorasahda Soomaaliya oo uu tilmaamay in ay tahay wax laga xumaado in masiirka Soomaaliya ay faro galin toos ah ku yeeshaan.

 “In Qaran dhisan oo madax bannaan doorashadiisi la maamulo oo waliba siyaasad ahaan loo soo dhex-galo  iyada oo musharaxiintii lala kala safanayo, taasi waa wax aan hore loo arag  una taal umad-da Somaaliyeed”

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland