Muqdisho (Xogsoormedia.com):- Labadii xubnood ee ugu dambeeyay xildhinaabada ka soo jeeda Somaliland ee loo dooranayay aqalka sare ee Soomaaliya,ayaa caawa lagu doortay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.
Labada xubnood ee caawa doorashadooda la soo gunaanaday ayaa ka dhigaya xubnaha aqalka sare 54 xubnoon.Kursiga hore ayuu ku soo baxay Bilaal Idiris Cabdillaahi halka kursiga labaad uu ku guuleystay Siciid Cabdi Xusseen.
Labadan xubnood ee caawa la Doortay ayaa ka dhigaysa xubnaha aqalka sare ka dhageysa 54 xubnood, waxaana halkaa ku soo idlaanaya doorashadii xildhibaannada aqalka ee Soomaaliya.
Iyadoo maalinta Berri ah loo balan san yahay in la doorto Madaxweynaha Soomaaliya oo ay dooranayaan xubnaha labada aqal baarlamaan ee Soomaaliya.
Waxaana Maanta magaalada Muqdisho ka dhaqan galay bandooo ay ku soo rogeen madaxda gobolka Banaadir iyadoo la hakiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada dadka iyo gaadiidka isla markaana ay waddooyinka caasimadda Soomaaliya oo dhami ay xidhan yihiin lana dhigay isgoysyada iyo waddooyinka oo dhan ciidamo ka tirsan ciidamada Soomaaliya eek ala duwan iyo kuwa AMISOM ee Soomaaliya nabad ilaalinta u jooga.
Dhinaca kale waxaa caawa laga maqlayay gudaha magaalada Muqdisho dhawaaqa madaafiic kala duwan oo ay ku garaaceen kooxda Al-Shabaab xaafado kala duwan oo ka tirsan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland