Muqdisho (Xogsoormedia.com):- Musharixiinta u tartamaya jagada Madaxweynaha Soomaaliya,ayaa eedeeyay gudiga Doorashooyinka dadban ee Soomaaliya oo ay ku edeeyeen in ay u xaglinayaan dhanka Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Madaxweynaha xilku ka dhamaaday isal markaana ah musharax u taagan mar labaad in uu xilkaa qabto.
Waxaa kale oo ay sheegeen musharixiinta u taaagan tartanku in wax kasta oo quseeya arrimaha doorashooyinka oo aan lagala tashan in ay yihiin sharci darro isla markaana aanay soconayn.
Waxaa kale oo ay ka soo hor jeesteen laalista uu laalay gudiga doorashooyinku dood ay wadaagi lahaayeen musharixiinta Madaxwweynaha Soomaaliya u tartamaya oo gudiga doorashooyinku laalen kuna sheegen in cilad dhanka Internetka ah awgeed ay u suura gali wayday isla markaana ay gudiga doorashooyinku ay ku doodeen in aanay wakhti kale u hayn.
Laakiin musharixiinta u tartamaya xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo tiradoodu ay dhan tahay 28 musharax ,ayay tiro badan oo ka mid ah musharixiinta oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho,ayaa ka soo hor jeestay in la joojiyo doodad ay wadaagi lahaayeen Musharixiintu waxaa kale oo ay dalbadeen in laga saaro xubin ka mid ah gudiga doorashooyinka oo ay ku eedeeyeen in uu la safan yahay Madaxweynaha xilku ka dhamaaday ee la tartamaya.
Musharaxiinta iyo guddiga doorashada ayaa hore ugu heshiiyay in dood-dan si live ah looga baahiyo TV-ga qaranka Soomaaliya ,isla markaana ay Tv-yada kale ka sii qaataan ,waxaana sababaha ugu weyn ee baajiyay dood-dii maanta lagu sheegay in ay ahayd khad-ka Internetka oo hawada ka maqnaa.
Hadaba musharaxiinta ayaa si wada jir u soo saaray war-murtiyeed ka kooban sedex qodob ka dib markii uu soo dhamaaday kulankooda oo ka dhacay Hotel Jazeera.
1- Waxaa la isla gartay in qaabkii loo maamulay dooda murashaxiinta ay ahayd mid khilaafsan go’aankii Baarlmaaanka. Qabashada dooda waa go’aan ay gaareen labada gole ee Baarlamaanka ,iyagana ayaan bedeli kara.
2- In xubin gudiga doorashada ka tirsan oo cadaystay taageerada Musharrax Md Xasan Sheikh gudiga laga saaro.
3- In go’aan kasta ee doorashada khuseeya dhinaca amniga, warbaahinta, habraaca iyo maamuskaba oo aan musharraxiinta lagala tashan uu dhaawacayo sharciyada doorashada, go’aan cad-na ay ka qaadan doonaan.
Khilaafkan hadda ka dhex qarxay gudiga doorashooyinka iyo Musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa sababi kara caqabad dib u dhigi karta doorashada Madaxweynimo ee Soomaaliya ooh ore dhawr goor dib u dhac ku yimi.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland