Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Madaxda sadexda xisbi qaran Madaxweynaha Somaliland iyo gudiga doorashooyinka qaranka,ayaa isku raacay oo isla qaatay in doorashda madaxtooyadu qabsoonto bisha tobnaad ee sanadkan ka dib markii ay muddo madaxda asxaabtu isku maandhaafsanaayeen mudada dib loo dhigi karo doorashada madaxtooyada oo xilligii ay qabsoomi lahayd ay saamayn wayn ku yeelatay abaarta baahsan ee dalka ka jirtaa.
Laakiin mudada ay sadexda xisbi,madaxwynaha iyo gudiga doorashooyinku ay isla qaateen ayaa ka baxsan muddo xileedkii xukuumadda ee ay ahayd in ay gudaheeda ku qabsoonto doorashada madaxtooyadu,waxaanay u baahantahay muddada cusub ee ay wada jirka iskugu raaceen in ay u xalaalayso guurtida Somaliland oo ah hay’adda kaliya ee dastuurku u jideeyay in ay muddo kordhin u samayn katrto goleyaasha qaranka.
Waxanay murashaxiinta saddexda xisbi qaran ee KULMIYE,UCID iyo WADDANI ay isla meel dhigeen kuna heshiiyeen in dib loo dhigo doorashada madaxtooyada oo markii hore qabsoomideedu ku astaysnayd 28 bisha March 2017-ka,waxaana ay ku heshiiyeen in doorashada madaxtooyada dib loo dhigo muddo ah Lix Bilood oo saddex iyo toban cisho ah oo ku beegan loona qoondeeyey inay qabsoonto 10 bisha October 2017-ka.
Sidoo kalena masuuliyiintan ayaa sidoo kale intii ay kulankoodu socday waxa sidoo kale ay isla meel dhigeen in gurmad deg deg ah oo loo midaysan yahay la gaadhsiiyo dadka ay abaartu saamaysay eek u dhaqan deegaanada dalka Somaliland isla markaana wakhti xaadirkan xaaladooda nololeed meel adag ay marayso una baahan yihiin gurmad iyo taakulo deg deg ah, iyo waliba in doorashooyinka golaha wakiilada iyo golayaasha deegaanka mar la wada qabto isla markaana la qabto 10 bisha October 2018-ka.
Dib u dhigista doorashada Madaxtooyada iyo israacinta dooradhada goleyaasha deegaanka iyo ta golaha wakiilada ee ay isu rareen madaxda xisbiyada qaranku ayaa ku xidhan go’aanka muddo kordhinta ah ee ay golaha guurtidu sameeyaan taasoo la filayo in maalmaha soo socda uu u gudbiyo madaxweyne Siilaanyo.
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland