Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Madaxweynaha la doortay ee dalka Gambia Adama Barrow oo doorashada guushiisa uu muran galiyay Madaxweynaha dalkaasi xukumayay ee uu doorashada kaga adkaaday Yaxya Jamac,ayaa magan gelyo u tegay dalka Sebegal oo uuu ku maqnaan doono illaa xilka lagu wareejinayo todobaad ka dib waa haddii uu aqbalo waan waanta ay wadaan madaxda dalalka galbeedka afrika oo doonaya in ay wada hadal ku soo afjaraan muranka doorashada ee dalka gaambiya.
Wakaaladda wararka Senegal ee APS ayaa sheegtay in madaxweynaha dalkaasi Macky Sall in uu ogolaaday inuu martigaliyo Mr Barrow kuna noolaado caasimadda dalkaas ee Dakar ilaa laga dhaarinayo 19-ka bishan
Madaxweynhaa haatan xilka haya, Yaxya Jammeh, ayaa diiday inuu aqbalo natiijada doorashadii Diseembar ee lagaga guulaystay.
Sabtidii ayuu madaxweynaha Mali, Ibrahim Boubacar Keita, waxa uu ugu baaqay Mr Jammeh inuu xafiiska banneeyo si looga hortago inuu dhiig daato.
Waxa uu Ibrahim Boubacar ka hadlayay gebagabada shirkii madaxda Afrika iyo Faransiiska ee lagu qabtay caasimadda Mali ee Bamako, shirkaasi oo si weyn loogaga hadlay dhibaatada ka taagan waddanka Gambia.
Madaxweyne Adama Barrow ayaa noqonaya Madaxweyne la doortay oo hadana nabad gelyo darro uga cararay caasimaddii dalkiisa ee looga codeyay ka dib markii Madaxweynaha xilka hayaa uu diiday in uu aqbalo natiijada doorasahda lagaga adkaaday oo uu ku sheegay mid aan sax ahayn oo la musuq maasuqay waana xaalad siyaasadeed oo ku soo korodhay dalkaas iyo guud ahaan qaaradda afrika oo laga cabsi qabo in dhaqanka uu la so baxay Yahye Jamma in uu noqdo dariiq ay mari doonaan Madax kale oo afrikaan ah oo qaadici doona doorashooyin lagaga guulaystay waa haddii uu madaxweyne Jammac ku nabad galo xilka uu ku adkaystay in aan lagaga guulaysan oo uu sidaa dalkiisa ku sii haysto.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland