Muqdisho(Xogsoormedia.com):- Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Prof: Maxamec Cismaan Jawaari ayaa ku guulaystay guddoomiyaha Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya. Ka dib marki uu ka codad batay musharixiintii kale ee kula tartamaayy guddoomiyenimada aqalka hoose ee Baarlaanka Soomaaliya oo ay afar musharax ku loolamayeen.
Wareegii hore waxaa doorashada ku tartamay Prof Max’ed Cismaan Jawaari, xildhibaan C/rashiid Max’ed Xidig, C/fitaax Max’ed Geeseey iyo Idir Aadan Dhatar.
Guud ahaan tirada codeysay ayaa ah 259, halka labo cod oo ka mid ah ay xumaadeen.
Hadaba waxaa ay musharixiinta codadka u kala helleen sidan :
- Pror Max’ed Cismaan Jawaari [141 cod]
- C/rashiid Max’ed Xidig [ 97 cod ]
- C/fitaax Max’ed Ibraahim Geeseey [17 cod]
- Idil Aadan Dhakhtar [2 cod]
Ugu danbeyn, waxaa natiijada ku dhawaaqay guddoonka KMG ah oo halkaa ka sheegay in Prof Max’ed Cismaan Jawaari mar kale noqonayo guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya
Prof: Jawaari oo ahaa guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya ee hadda la bedelay ayaa soo hoggaamiyay gole Baarlamaan oo sharci dein kelidii u ah Soomaaliya laakiin imika waxaa loo doortay guddoomiyaha Aqan doono guddoonka aqalka hoose waxaana la filayaa in dhawaan la doorto guddoonka aalka sare ee Soomaaliya waxaana meesha ka baxday awoodii sharci dejineed ee golaha kaliyi uu lahaan jiray iyadoo awooddii sharci dejineed u qaynsamaysa labada aqal baarlamaan ee Soomaaliya loo yagleelay.
Hargeysa Somaliland