Wargeyska The Star Oo Caddeeyay Warbixin ay Hore Uga Qoreen Xisbiga Waddani in ay ahayd Xayaysiis Lacag Lagu Bixiyay Kana Raaligaliyay Xisbiga

0
296

 Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Wargeyska The Star ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa raalli gelin ka bixiyay warbixin uu hore uga qoray wefti  uu  hoggaaminayay murashaxa Xisbiga  WADDANIi  oo Nayroobi  ku tegay socdaal shaqo  bishii hore. Wargeyska ayaa hore u sheegay in kulan midnimada Somaliland iyo Soomaaliya  ku saabsan dhexmaray Musharrax Cabdiraxmaan Cirro iyo Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo haatan u ordaya musharraxa madaxweyne.

Tifaftiraha  Wargeyska The Star Charles Kerich. Ayaa sheegay in warkaasi uu ahaa mid si xayaysiis ah ku soo galay oo  lagu bixiyay lacag,taasoo suura galisay in warbixintaasi ay xayaysiis ahaan wargayska ugu soo baxdo.

1485022

 ” Star wuxuu daabacay 23 December in guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland kulan kula yeeshay Hotelka Serena ra’isal wasaaraha Somalia, haseyeeshee hadda waxaa caddaatay in warbixintaasi ahayd mid ay been abuureen cid siyaasadda kula hirdamaysa xisbiga Waddani. Sawirka muujinaya Cabdiraxmaan Cirro oo la sawiran Cumar Cabdirashiid waa mid la footo-shoob-gareeyay oo ka kooban saddex sawir oo kala duwan oo la isku geegeeyay,” ayuu wargeysku ku sheegay warbixintiisa raali gelinta ah.

1-22-506x740

Sidoo kalena waxay soo bandhigeen saddexda sawir ee la isku kabkabay ee laga dhigay inay kulmeen Dr Cabdiraxmaan Cirro iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

2-11

Tifaftiraha wargeyska Star ayaa sheegay in warbixinta ay daabaceen ay usoo gudbiyeen dad aanay aqoonsanayn,sidoo kalena waxa uu sheegay in ay talaabo ka qaadeen cidii daabacday warbixintaas “Waxaanu leenahay siyaasado sharci oo adag, kuwaasi oo faallada ka soocaya xayaysiiska. Habkani waxaa gacan bidixeeyay cid dibadda naga ah oo aan la aqoonsan laakiin, hadda tallaabo ayaa laga qaaday hannaanka hubinta si aanay dhacdadan oo kale u soo noqon,” ayuu yidhi tifafiraha Star Charles Kerich.

Xisbiga Waddani ayaa hore u sheegay in xisbiga Kulmiye lacag ku bixiyay wararka noocaas ah laakiin, wargeyska oo soo xigtay qoraal guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro soo xigtay ayaa muujiyay in arrintaasi ahayd war si xayaysiis ah lacag loogu bixiyay.

 

 

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

Xogsoormedia.com@gmail.com

 abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland