“Xaalad abaareed oo adag ayaa dalka ka jirta oo illaa dad Soomaaliya ka soo hayaamay ayaa deegaanada qaar ku sugan. Doorashada Madaxtooyaduna waxay ku xidhan tahay….” Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland
Laascaanood(Xogsoormedia.com):- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Prof: Yaasiin Maxamuud Xiir(Faratoon) ayaa ka hadlay xaaladda abaarta dalka ku habsatay oo uu sheegay in ay tahay mid sii adkaanaysa oo halis ku ah nolosha dad iyo duunyo ee dadka reer miyiga ah oo xoolihii ay ka baxayaan ka dib markii ay abaartu sababtay baad iyo biyo la’aan gobolada bari ee Somaliland wada saamaysay. Iyo gurmad ay Xukuumaddu gaadhsiisay gobolada bari ee dalka oo uu sheegay in xaaladda jirta oo mid culus ah in aanay wax badan ka tarayn loona baahan yahay in guud ahaan bulshada reer Somaliland ee wax haysataa in ay dadkooda u soo gurmadaan iyadoo aanay Xukuumadduna waxba kala hadhayn.
Waxaa kale oo uu ka hadlay doorashada Madaxtooyada Somaliland iyo halka ay u marayaan nabadaynta labadii beelood ee walaalaha ahaa ee dirirtu ku dhex martay bariga gobolka Sool.
Wasiir Faratoon,ayaa sidaa ku sheegay Waraysi uu siiyay wargeyska Dawan isagoo ku sugan magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool.
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay xaaladda abaarta ka jirta deegaanada gobolada bari ee uu socdaalka ku maray iyo gurmadka ay xukuumad ahaan gaadhsiiyeen,ayaa yidhi. “horta dalku xaalad adag oo halis ah ayuu ku jiraa gaar ahaan gobolada baro oo ay ku dhufatay abaar aan nooceeda la arag oo dad iyo duunyoba saamaysay,waxaanay abaartu halis ku tahay nolosha dadka duunyadiina waxna way ka bexeen dadka oo abaarta ayay ku lee’deen waxna way fadhiisteen oo meesha biyo ugu dhawna ma gaadhi karaan halka ay joogaana wax ay cunaan kuma haystaan oo qofba wuxuu u helo ayuu fadhiga ku siiyaa,socdaalkayaguna wuxuu ahaa sidii aanu xog ogaal rasmi ah ugu noqon lahayn nolosha dad iyo duunyo ee deegaanada ay dadku isugu yimaadeen oo markii hore ay xooluhuna wax ka helayeen biyona lahayd oo iyagana imika culayska dadka isugu soo hayaamay ka batay oo ay wax waliba gabaabsi ku yihiin, ka Xukuumad ahaanna dadkaa wixii aanu tari karaynay waanu gaadhsiinay meelo biyo laga qodayna way jiraan inkastoo qaarkood ay dhanaan iyo adayg ku noqdeen laakiin xaaladdu way adagtahay baahida jirtaana mid ay Xukuumaddu kelideed wax ka qaban karayso maaha laakiin rejooyin badan ayaanu qabnaa oo qaylo dhaan badan oo xukuumaddu ay dirtay ayaanu jawaabo ka sugaynaa meelo badan markaa dadkayaga waxba kala hadhi mayno ALLE oo keliya ayaana inaga dul qaadi kara oo aan ka baryaynaa in uu abaaraha inaga soo jebiyo bulshadana waxaan ugu baaqayaa in ay isu naxariistaan oo ay dadkooda u soo gurmadaan.”
Wasiirka oo la waydiiyay halka ay u maraysno nabadaytn ay ka dhex wadeen laba beelood oo dhawaan ku diriray bariga gobolka Sool,ayaa ku jawaabay. “meel wanaagsan ayay noo maraysaa guud ahaan is afgarad fiicanna waanu gaadhnay waxgaradka,madaxdhaqameedka iyo odayaasha labada dhinac ba waanan isu keenay iaydoo ay nabadaynta ku hawlan yihiin Xukuumadda madaxda gobolka madaxdhaqameedka labada beelood iyo madaxdhaqameed kale oo deegaanka ah oo aad ugu hawlan so oaf-jaridda colaadda labada beelood iyadoo xilli adag oo abaar ah lagu jiro haddii ay colaadina u raacdo dadkaba waxba ka hadhi maayaan markaa guud ahaan madaxdhaqameedka labada beeloodbna way ka go’antahay nabadu inta dhimanna waxaan rejaynayaa in ay wanaag noogu dhammaato oo aan halkaa dhibaato dambe ka soo noqon.”
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay xaaladda abaarta ee jirta in ay dalka ka qabsoomi karto doorashada madaxtooyadu,ayaa yidhi. “wax isku xidhan maaha doorashada madaxtooyada iyo abaarta taagani waa run oo abaar iyo xaalad adag ayaa lagu jiraa laakiin waxaan qabaa in ay doorashada Madaxtooyadu qabsoomi karto oo ay hadda ugu fududahay sababtoo ah xilligan dadkiiba way isu soo guureen dad badan oo deegaano badan oo kala fog fog ka yimi oo wada yaalla ayaa jira waxaa keliya ee loo baahan yahay waa wixii dhanka doorashada qabsoomideeda ku xidhnaa markay xilligeeda gaadho qof kasta oo haysta kaadhka codbixiyuhuna meelkasta oo dalka ah oo uu joogo wuu ka codayn karaa sababtoo ah doorashada imika innoogu soo horraysaa waa doorashadii madaxtooyada taasina kuma xidhna in uu qofku joogo halkii uu iska diiwaan galiyay meel kasta oo dalka gudihiisa ahna wuu ka codayn karaa,xukuumadduna waa u diyaar in ay doorashada qabato.”
Xigasho wargaeyska Dawan
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland