Golaha Wakiilada Somaliland Oo Ansixiyey Xeerka Doorashooyinka Madaxtooyada Iyo Golaha Deegaanka Oo Wax Ka Badel Iyo Kaabis Lagu Sameeyey

0
478

Hargeysa(Xogsoormedia.com):- Mudaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay xeerka doorashada madaxtooyada iyo golaha deegaanka.

Kalfadhigana ayaa ahaa mid ay kasoo xaadireen 41 xildhibaan,waxaana hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax.

Intaasi ka dib waxa la guda galay codaynta iyo ansixinta xeerkan wax ka badalka iyo kaabista lagu sameeyey,waxaana u codeeyey in la ansixiyo xeerkan 37 mudane, saddex kamid ah ayaa aamusay halka 1 xildhibaana uu diidey,waxaana sidaasi lagu ansixiyey xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka ee ay golaha usoo gudbiyeen gudida komishanka doorashooyinku.

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia24@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland