Hargayss (Xogsoormedia.com):- Gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland ahna musharaxa jaqada Madaxweynaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi,ayaa maanta qado sharaf ku maamuusay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire
Hadhima sharafeedda uu musharax Cirro ku sooryeeyay kuna maamuusay Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cor. Cabdisamad Cali Shire ayaa ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay oo ay ka qayb galeen musharaxa Madaxweyne ku-xigeenka Xisbiga WADDANI Amp Maxamed Cali Cabdi,Prof Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa iyo masuuliyiin sar sare oo ka mid ah hoggaanka Xisbiga Waddani.
Munaasibdan qado sharafta ah ayaa waxaa ay ka dhacdey Hotel Hiddo – Dhawr waxaana ka soo qeyb galay masuulyiinta xisbiga Waddani oo ay ka mid yahiin , musharaxa madaxweyne ee xisbigaasi , Prof Buubaa , Xildhibaan Talyanle , Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble , Siyaasi Xussen Axmed Ceydiid , Siyaasi Aadan Dhoola Yare , siyaasi Cali Cantar iyo masuulyiin kale
General Cabdisamad Cali ayaa ka hor intii aan la aasaasin Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland waxaa uu Somaliland oo uu dhalasho ahaan ka soo jeedo ka soo qabtay Xukuumaddii Madaxweyne Cigaal alle ha u naxariistee Abbaanduulaha ciidanka qaranka Somaliland
Xogsoormedia.com
Hargeysa Somaliland