Hoggaanka Garabka Haweenka KULMIYE ee Gobolka Maroodijeex oo Xisbiga ka Dhaqaaqay iyo Sababahay ay isku Casileen

0
490

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Masuuliyiin tiro badan oo xilal kala duwan ka hayay xisbiga muxaafadka ah ee KULMIYE ayaa caawa shaaciyay inay iska casileen xilkii iyo xubinimadii ay ka hayeen xisbiga KULMIYE,

Waxaana masuuliyiintan ay dhamaantood kamid ahaayeen  garabka haweenka xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex ,waxaana ay shaaca ka qaadeen inay gabi ahaanba iska casileen xilkii iyo xubinimadii xisbiga KULMIYE.

7-1-740x493

Haweenkan tirada badan ee shaaciyay inay iska casileen xisbiga KULMIYE ayaa waxa hogaaminaysay gudoomiyaha garabka haweenka xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-jeex marwo Xusni Maxamed Warsame.

Dhanka kale waxa xusid mudan in haweenka xilalka ka hayay xisbiga KULMIYE ee is casilay sidoo kale ay sheegeen inay iska casileen xubinimo ay ka ahayeen ururka haweenka NOW.

84-740x493

Wali may shaacin sababta ay isku casileen iyo waliba halka ay sal-dhigan doonaan.

Waxaana magacayada haweenka iska casiley xisbiga KULMIYE ay ahaayeen sida tan

1.Guddoomiyaha Garabka Haweenka Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga Kulmiye marwo Xusni Maxamed Warsame

2.Guddoomiyaha Garabka Haweenka Degmada Maxamuud Haybe ee Xisbiga Kulmiye Marwo Aamina Maxamed furre iyo Ku Xigeenkeeda marwo Qamar Ibrahim kirix

5-3-740x493

3.Guddoomiyaha Garabka Haweenka Degmada Gacan Libaax ee Xisbiga Kulmiye marwo Layla Xaaji Muuse Kaahin

4.Guddoomiyaha Abaabulka iyo wacyi gelinta Garabka Haweenka ee Gobolka Maroodijeex ee Xisbiga Kulmiye Marwo Raaxo Axmed Aadan

5.Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee Degmada Ahmed macalin Haaruun ee Xisbiga Kulmiye Marwo Rooda cismaan cige

6.Guddoomiyaha Garabka Haweenka xaafada sheekh mubaarik ee Xiabiga Kulmiye marwo Sucaad xuseen Nuur

  1. Xoghayaha garab Haweenka Gobolka maroodijeex ee Xisbiga Kulmiye Marwo Saddo Ismaciil xuseen