Agaasime Cali Yambo Oo Farriin Adag Uu Direy Gudomiyaha Jaliyada Itoobiya Ee Ku Nool Somaliland

0
454

Hargeysa(Xogsoormedia.com):-  Agaasimaha wasarada arrimaha gudaha ee uu qaabilsan safaradaha ayaa digniin adag uu direy guddomiyaha jaaliyada Itoobiya ee ku dhaqan  Somaliland oo hadal meel ka dhac  ku ah qaranimada iyo sumcada qaranka yidhi.

R 1

 Waxanu  sidoo kale agaasimuhu xusay in xidhiidhka labada dal u dhexeeya uu meel wanagsan marayo. Agaasimaha xafiiska wasarada arrimaha gudaha uu qaabilsan xidhidhka safardaha Cali Cabdi Xaji Aadan (Cali Yambo) oo maalinti shalay kula yeelanay xafiskisa wasarada arrimaha gudaha ayaa ugu horayn waxa uu cambareyee hadal dhowaan ka soo yeedhay guddomiyaha jaaliyadda Itoobiya ee ku nool Somaliland Maxamed Muxumed Amaadi isago sheegay in xuska qowmiyadaha markii ugu horraysay ay dowladda Somaliland ka qayb gashay xuska maalinta qowmiyadaha islamarkana hadalkasi uu yahay  been abuur iyo meel ka dhac.

 Waxanu  hadalka agaasimaha uu dhigna sidan; “Ninka yidhi wa markii ugu horaysay dowlada Somaliland ka qayb gasho xuska qowmiyadaha Ethiopia  isago ka yidhi xaflada marka ma ka aqoon la’aan mise wa sii kale, sidoo kalena hadalkasi uu yahay hadal sal iyo raad toona lahayn iyado waligeed Somaliland ka qayb geli jirtay munasibada xuska wanan cambarenaya hadalka gudomiyaha uu ku hadlay. Sidoo kale, waxan umaleenaya adeer in imika ay ugu horayso ninka sheeganaya gudomiyaha jaliyada itoobiya ee dalka ku nool, waxana uga digaya in hadalada caynkas ka wantoobo iskana ilaaliyo hadii kale talaabo laga qaadi dono.”