Addis-ababa(Xogsoormedia.com):- Xukuumadda Somaliland iyo Kooxda la baxday Khaatumo State ee uu hoggaamiyo Prof: Cali Khaliif Galaydh,ayaa wada hadal magaalada Addis-ababa uga socday muddo afar maalmood ah waxay ku kala saxeexdeen heshiis hor dhac ah oo bilaw u noqon doona wada hadalo labada dhinac ay sii wada amba qaadaan.
heshiiska hordhaca ah ee Somaliland iyo Khaatumo kala saxeexdeen ayay ku jiraan laba qodob oo qarannimada Somaliland iyo Maamulka Khaatumo kuwo ka dhigaya laba Maamul oo siman isla markaana fasiraadda durba laga bixiyay ay tahay mid loo macnaystay in Somaliland ay ogolaatay in Maamul kale oo ka baxsan dawladda Somaliland in uu ka jiro gudaha dalka Somaliland.
Waxaana ka mid ah qodobada durba dareenka shaki ay ka bixiyeen dadka wada hadalkan u arka in uu Somaliland iyo Khaatumo laba maamul oo siman ka dhigay u arkaa ay ku tilmaameen qodobo ka hadlayana Ciidamna Somaliland ee ku sugan gobolada Sool,Badhan iyo Buuhoodle oo heshiiska hordhaca ahi sheegayo in joogitaankooda dib u eegis lagu lagu samayn doono iyo qodob kale oo sheegaya in aan la qoranin wax ciidan beeleedyo ah taasoo loo arkay in aanay Somaliland deegaanasaa wax ciidan ah ka qaramayn karin iyo in ciidanka Somaliland
hadaba halkan kaga bogo qodobada heshiiska hordhaca ah ee labada dhinac ay kala saxeexdeen.
Xogsoormedia.com
Hargeisa Somaliland