Boon Xirsi oo Aas Qaran Lagu Sagootiyay iyo Madaxweyne Siilaanyo oo ka Hadlay Shaqsiyaddii Marxuumka

0
415

 Hargeysa(Xogsoormedia.com):- ALLE ha u naxariistee waxaa  magaalada Hargeysa lagu aasay Marxuum/abwaan Xuseen Xirsi Cabdi(Boon Xirsi) oo xalay ku geeriyooday,waxaana aaska qaran ee Marxuum Xuseen Xirsi(Boon) lagu sagootiyay  ka soo qayb galay Wasiiradda Wasaaradaha Warfaafinta iyo Wacyi galinta Cismaan Cabdilaahio Saxardiid(Caddaani) Dhaqanka iyo Dalxiiska Khadar Xaaji Yuusuf,Xildhibaan Aadan Muxumed Hoorri(Mataan) Agaasimaha Waaxada Dhaqanka Cabdi Maxamed Jaamac,abwaanno,fannaaniin culimo awdiin iyo dadwayne kale oo aad u tiro badan.

Marxuum Boon Xirsi Cabdi oo ka mid ahaa tiirarka Fanka iyo masraxa Soomaalida ayaa habeen hore ku geeriyooday guriga uu ka degenaa magaalada Hargeysa.

15542021_1527022730647124_3181593103601717450_n

Jinaasaddii Marxuumka lagu sagootiyay  oo ay ka hadleen  haldoorka Fanka iyo wasiiradda ka qayb galay aaskiisa ayay sheegeen in uu ahaa Marxuumku shaqsi dun wanaagsan oo aan la heli karin shaqsiyaddiisa waxaanay ALLE uga baryeen in uu naxariistiisa macaan ugu deeqo oo uu dambigiisa dhaafo.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid iyo Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Khadar Xaaji Yuusuf  oo jinaasadda aaska Marxuum Boon ka hadlay ayaa Marxuumka ku sifeeayy halayay qaran oo ka  baxay Somaliland waxaanay ALLE uga baryeen in u u naxariisto oo uu dambigiisa dhaafo  jannooyinkiisna ka waraabiyo ehelkii,qaraabadii iyo inta uu ka baxayna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Abwaan Axmed Saleebaan Bidde oo ka hadlay shaqsiyaddii Marxuumka,ayaa yidhi. “waxaanu is baranay isagoo dhalinyaro ah oo aad u fir fircoon,riwaayaddii ugu horraysay ee uu wax ka dhigayna waxaya  ahayd Riwaayad aan anigu sameeyay oo la odhan jiray Jacayl waa ka nee Kaalay oo la dhigay 1973-dii. Maalintaa illaa xalay oo uu geeriyoodayna waanu isak war haynay waanan xidhiidhaynay wuxuu ahaa jilaa Masraxa Soomaalida oo dhan u ahaa laf dhabar wuxuu ahaa nin aan looga maarmin riwaayad kasta oo la dhigayo,wuxuu ahaa abwaan sameeyay riwaayado iyo heeso badan,intaaba wuxuu dheeraa oo Boon aanu markhaati uga  nahay in ahaa nin qabyaaladda neceb oo dadku u siman yahay oo deeqsi ah oo wixiisa lala cuno oon agtiisa lagu gaajoon.waxaanan ALLE uga baryaynaa in uu dambigiisa dhaafo oo uu u naxariisto ehelkii qaraabadii iyo inta uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo ”ayuu yidhi Abwaan Axmed Saleebaan Bidde.

Abwaan Aadan Tarabi Jaamac oo isna ka hadlay sahqsiyaddii Marxuumka ayaa ku sifeeyay in u ahaa Marxuum Abwaan Boon shaqsi aan la helayn oo dun wanaagsanaan u dhashay. “Marxuum Boon ALLE ha u naxariisto wuxuu  ahaa shaqsi laab xaadhan oo calool wanaagsan oo haddaad imika si dishaan deg deg kuula heshiinaya oo aan dadka caloosha waxba ugu qaban,wuxuu ahaa qof wanaagsan oo aan xaasidnimada iyo qabyaaladda mdna aqoon,wuxuu ahaa qof ogaal ah oo qofka baahan meel fog ka garta wuxuu ahaa lafdhabar fanka ka dhex mudhay oo riwaayadda aanu ku jirin aanay cdina xiisayn jirin,intaaba wuxuu dheeraa wuxuu ahaa suugaan yahan riwaayadao iyo heeso badan curiyay,ALLE ha u naxariisto Boon Xirsi dhammaanteena ha inooga daba naxariisto.

Waxaa kale oo iyaguna  ka hadlay oo taariikhiida  iyo shaqsiyaddii Marxuum Boon ka ka war bixiyay Abwaan Xasan Xaaji Cabdilaahi Xasan Genay,Abwaan Maxamed Aadan Dacar,Maxamed Maxamuud Cige Busi,Maxamuud Cali  Burco   Xuseen Cabdilaahi Deeqsi,Khadar Maxamed Cakule ,Axmed Cabdilaahi Wacays  iyo dad kale oo aad u tiro badan.

Alle ha u naxariistee Marxuum Abwaan Boon Xirsi ayaa ka mid ahaa foolaadkii jileyaashii masraxa iyo fanka Soomaalida  ilaa bilawgii 70-baatanaadkii waxaanu wax ka soo dhigay riwaayado badan oo aad loo xasuusto oo ku suntan taariikhda fanka Soomaalida waxaana ugu horraysay riwaayaddii la odhan jiray JACAYL WAA KAN EE KAALAY,waxaa kale oo uu jilaa wayn aka ahaa Riwaayado badan oo ay ka mid ahaayeen DAB JACAYL KARIWAA, GALBEED WAA LA XOREEYAY,XORRIYO NIN GEYAA HA GUURSADO WAD IYO WACAD, AWBUSTAALE .waxaanu hal abuur ka ahaa Riwaayaddii la odhan jiray NIMBA TIMAXAMAR OO HADANA XIIR.

Marxuum Abwaan Boon ayaa ka mid ahaa hal-abuurkii iyo suugaanyahankii kooxdii caanka  ahayd ee Waaberi markii dambena waxaa uu ka mid ahaa abwaanadii ka qayb qaatay halgankii dalka Somaliland dib loogu xoraynayay.

Marxuumka ayaa ka soo qayb qaatay halgankii dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska Somaliland isagoo laxaadka aragga belay 2000.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa dhambaal tacsi ah u diray guud ahaan qaranka Somaliland oo  uu ka tacsiyeeyay Geerida Marxuum Abwaan Boon Xisri.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo kan shacabka Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Bahda fanka iyo Suugaanta, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyskii, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Marxuum Abwaan Xuseen  Xirsi Cabdi (Boon Xirsi) oo ku geeriyooday 18/12/2016, magaalada Hargeysa laguna aasay xabaalaha masalaha shalay.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey hal abuur ku suntan taariikhda inta Af-Soomaaliga ku hadasha iyo ta shacbiga Somalilandba, waxaanu door muhiima ka qaatay tilmaanta iyo toosinta quluubta shacbiga Somaliland gaar ahaan wakhtiyadii adkaa ee uu dalku ka soo gudbay. Abwaanku waxa uu tusaale wanaagsan u ahaa bahda fanka iyo suugaanta, kaalintiisuna waa mid ku bannaanaan doonta shacbiga Somaliland iyo inta Afka Soomaaliga ku hadasha, lana tebi doono.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Bahda fanka iyo Suugaanta, Waayeelka, Waxgaradka, aqoonyahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Xogsoormedia.com

Xogsoormedia.24@gmail.com

Xogsoormedia.con@gmail.com

abafgaab@hotmail.com

Hargeisa Somaliland