Hargeysa(Xogsoormedia.com):-Musharaxa jagada Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro),ayaa sheegay in Xisbi Xaakimka Somaliland ee KULMIYE xaaladda adag ee dalku ku jiro ee abaarta ah iyo xoolaha la joojiyay ee an naftii dadka in uu kaga mashquulay olole aan wakhigiisii la gaadhin.
Waxaa kale oo uu Musharax Cabdiraxmaan Cirro intaa ku daray in ay waajib tahay in qof kasta oo damiir lihiba in uu ka damqado xaaladda adag ee dalku marayo,hadday abaarta baahsan tahay iyo hadday xoolaha la joojiyay tahayba.
Waxaanu intaa ku daray in ay u damqayanaan dadkooda abaarta iyo xayraadda xooluhu isu raaceen oo ay u dhaq dhaqaayanaan cid kasta oo ay ku xidhan tahayna ay kala hadlayaan,haddii ay garan wayday Xukuujmaddii uu xilku ka saarnaa.
Hadaba halkaas oo dhamaystiran halkan ka daawo.
Xogsoormedia.com
Xogsoormedia24@gmail.com
Xogsoormedia.com@gmail.com
abafgaab@hotmail.com
Hargeisa Somaliland